GABAYGAAN WAXAA TIRIYAY ABWAAN AADAN TARABI WAXA UU QISADA GABAYGA KU BILAABAY SIDATAN
Nin baa aroostay gabar la aqal galay ciyaatii markii ay dhamaatay eeloo kala tagay
Ninkii mas baa kusoo guureeyay ninkii buu cunay ninkii halkii buu kunaf baxay
waa mayd baryay gabadhii dee inan yaroo fara moogeey ahaydoo inuu ninkaan dhintay
iyo waxba ma dareeminoo malaha markuu gacma taagtaagi waayo xageer qaban waayeey
waxeey is tiri malaha habeenka hore saasaa layskaga seexdaa cidna ma wada hadasho
habeenka koobaad beey is tiri.
subixii markii la is yiri soo saara ee malxiisiintii iyo dadkiisii u yimaadeen
ninkii waa loo yeerayoo waa kici waayay gacantaa loola tagayoo waxaa la arkay
ninku inuu eber yahay Gabadhii baa laga shakiyayoo war gabadhu ninka ma ayadaa dishay
gabadhii baa la waraystayoo waxeey tiri dee maya sidaa oga tagteen halkuu jiifsaday
waaka wali jiifa
Dabadeed waxbaa la raaraadiyay maska raadkiisii baa la helay dabadaa lagaga dhacay
ilaahyna goodkii wuxuuu dhulkii kaga dhigay salax banaan geed iyo garbo iyo god
meeluu galo ilaaheey waa u diiday ileen waa dhagar qabee isagoo yaaban baa
nin kasoo hor baxay goodkii
ninkii buu ku yri war yaahe waa lay dilayaaye waxaasoo ciidan ahbaa i daba joogee i magan gali
ninkii baa yiri maadan bahal hoose ahayn sideen kuu magan galiyaa
goodkii: war abaalkaad ii gashaan kuu gudayaaye i magan gali buu yiri
ninkii: war dad iyo good iskuma wanaagsanayne goormaan saaxiibnay
goodkii: war aniga igu garo wanaaga buu yiri
ninkii: xagee baan kugu qariyaa buu yiri
goodkii: war luquntaaadaan isku duubayaaye go,a dusha iga saar buu yri oo
ninkii: xagee baad iiga dagaysaa buu yiri markaa
goodkii: war nimankaa soo socda i daba marki markaas baan kaa dagayaa
dabadeed ninkii sidii buu yeelay waa qaaday waa qariyay nimankii buu kala hortagay
weey wadiiyeen war niyoow bahalkaasaan raadinaynaa oo nin aroosa soo cunaye ma aragta
war ma arag dhulkaba ma eegaynoo geel baa iga lumoo indhahaygu kor beey eegayeen buun yiri
balaayuu qarsaday
markuu nimankii dhaafiyay buu yiri goodoow hadaba iga soo dag
wr naftaada iyo dhiigaada wax aan ahayn mahayuu yiri dhulakan godob baan ka qabaa cirkana
ma gaari karee halkaan kugu cuno arag risqi kale mahayo ileene
ninkii talaa ku cadaatay war abaal baan kuu galaye iga soo dag buu yiri
abaal waa la galaa buu yiri balse wax guda hadaad hesho waan kaa dagayaa buu yiri
ee aan cid isla doonano awr guri lagaga guuray oo gaboobay beey iskula imaadeen ninkii
baa sheekadii dabada u qabtay inuu abaal u galay dee noo garnaq buu yrir
awrkii baa yii abaal waa lagalaa ee lama gudo 30 sanandood in kabadan baan dhaaminayay
hayaaminayay qaxinayay leey rarayay dee maanta wakaasoo markaan gaboobay
halkaas baa laygaga guuray dee abaalka waa lagalaa ee lama gudo
maskiibaa gar helay ninkii baa tala ku cadaatay war bal aan cidkale isla doonana buu yiri
odey isna raqayoo guri oodan lagu saaray oo laga tagay beey iskuka tageenoo kanaan bili aadan ahoo
kaaga hiilinaya buu is yiri sheekadii buu dabada oga gakay waka de waka
odaygii baa yiri abaalka waa la galaa ee lama gudo meeshaas dhan aad soo dhaafteen dadka waa haysta
waa dadkaan dhalay iyo dadkeey sii dhaleen waxeey hanti haystaana anaa dhaqay
markaan maanta gaboobay ee layga quustay wataa layga dhaqaaqay afka ooda layga saaray
dee abaalka waa lagalaa ee lama gudo
ninkii markalaa talo ku cadataay war meeshaan kugu cuno aragoo jabaqda iga daa buu yiri goodkii
deedna ayagoo sidii isku haysta beey gabdha yaroo caqliga badan ee dawaco la yiraahdo kusoo baxday
dawacadii buu sheekadii dabada oga galay
dawacadii baa waxeey tiri anigu waligeey umad isi saaran uma garnaqiin ee orda soo kala daga
maskii baa yiri naayaahe sidaas baa nagula garnaqayaye aan garta ku helayaye maxaa leedahay
war ninka ksoo dag beey tiri hadaa gar ku leedahay anakaa kuu qabanaynee
dee bal waayahey yuusan iga tagin war waan hayaa soo dhaaf beey tiri ninka
dabadeed markuu kasoo dagay beey inteey mashxarad ku dhufatay xarago dhaqaaqday beey waxeey tiri
war dee hadaba iska celi wakaas kaa dajinaye
ninkii neef baa kasoo fuqday ileen balaa kasoo dagtay
SHEEKADAAN UU ABWAANKU KA SHEEKEEYAY OO UU SUUGAAAN AHAAN U BADALAY AYEEY MAANSADU KA HADLAYSAA:
GOOGAA HADRAAWOOW
GAARIYOWNE CIGALE
GANEY WEEYE XAAJADU
GOOD BAA NIN CUNAY BARI
GUURSADAY HABEENKAA
GABADHII AROOSKII
GOGOSHII KU KALIYEE
GEERI LAMA FILAANAA
GURYIHII KU TIMIYOO
GACALKIINA SUBAXDII
RAADKIISI BUU GURAY
ASAGOON GOD HELIN WALI
MEESHUNA GAWAAN TAHAY
AAN GEED LA CUSKADAA JIRIN
BUU GADAAL JALEECADA
ARKAY GUUTO RAACDAA
GUUL DARAYSTE MEELUU
KU GABADO MAHAYSTEE
GOCOSHUU MACIINSADEY
INYAR GOORTII LOO JIRAY
AYAA GOODKII NIN U YIMID
GUULEED LA ORAN JIRAY
ISKA GOONI SOCOTO AH
WUXUU YIRI GANTAALAA
LA ILA GAADAYAAYOO
GURMAD BAYGU SOO DHOOW
GUDMAA LAY SITAA BADAN
IN LEEY GOWRACAABAA
TALO LAGU GUDOONSADAY
GO,I WAA I MAGAN GALI
HADII AAD NIN GOBA TAHAY
GARAN MAAYO BUU YIRI
JILBISKAA GALAASHA LEH
IYO GOOH DHAGAYSTAHA
SIDAAN GOOD KU AAMINO
GOORMEEY DAD IYO BAHAL
GACAN SAARKA YEESHEEN
COLAAD SII GUN DHEEROO
GUUNA BAA DHEX TAALAYE
BINI AADMI GOORMEEY
GACAL NOQDEEN ABEESADA
IMINKANA WAR GOODOOW
AAN KUU GABAGABEEYEE
INAAN GOOB XUN LAGU DHIGIN
HA I GUNAANAD SEEJINE
ANNA GALABTA HA IDILIN
WUXUU YIRI IN GAWSAHA
WAABAYDA GAAXSADAY
MICIYUHU KU GAADHAAN
HAKA YAABIN GUULEED
MA INI IHI GABRAARTAHA
GUNTA HABAR DUGAAGEE
XOR GURGUURATAAN AHAY
GUULEED ISMUU ODHAN
GOODKANI NAFTAADUU
INUU GOOYO JECELYAHAY
GUUXNA WUXUU KUSII YIRI
ALLAHAYOOW GURACANAA
ISKU SOO GALKEENAAN
WUXUU YIDHI BAL GOODOOW
HADAAN KUU GARGAAR FALO
GOORMAA IGA HADHAYSAA
WUXUU YIRI GOSHAA DHOOW
KULA GAARI MAAYEE
GUUTADAA I DABA MARI
WAAYAHAY BAL GOODOOW
MA GUNTIGAAN KU GALIYAA
MISE GARANKA HOOSIYO
GAADADA DHEXDOODAA
ANAA GARANUU YIRI
IGU QARI GO'AAGOO
LUQUNTAAADA SIDA GEED
AAN IS GIRINGIRSHE KEEN
KUMA DIIDIN GUULEED
GAB KUSOO DHEH BUU YIRI
GOODKII NINKII QARI
GAADIHIINA DABA MARI
GUUTADII KA NABAD GALI
MARKUU GEEYAY MEEL AAN
WEERAR LAGALA GAARAYN
EE UU GADIIDKII
SIDAY MAALIN GALINKEED
GOODOOW SEE DEG BUU YIRI
WAAYAHAYE GUULEED
ALLA GOBSANIDAA BUU YIRI
WALIGAA NAF GOOLMOON
KUMAAD DHAAFIN GAAJEE
GARTAY DEEEQSI BAAD TAHAY
GOOBAHA DAGAALKANA
NIN KU GEESIYAA TAHAY
GOORTEEY U DARANTAHAY
NIN LA MAGAN GALAA TAHAY
GARAAD BEELO DAAJE'A
GUUN AQOON LEH BAA TAHAY
GEESTII LA EEGABA
GARBO LA DUGSADAA TAHAY
HADAAN GABAR KU SIIN LAA
ISMA GAYO DAD IYO HEE
BAHAL HOOSE GUULEED
IDO GOROD MADOOW IYO
GEESTAYDA XOOLAHA
WALIGEEY MA DHAQAN GEEL
XAGAYAGA GAMAANKIYO
GEENYO LAGAMA QOOFALO
GABIGEED WAX LACAGANA
MAHAYAAN GURYAHAYAGU
MAR HADAANAN GARANAYN
GUUSHII BALAADHNAYD
WAXAAN KAAGA ABAAL GUDO
ANEEEY ILA GUDBOONTAHAY
SIDAAN ADIGA KUU GALO
WAAYAHAYW GOODOOW
GOORDANBAYNU JOOGNAA
GABOOD DAYDAYUU YIDHI
WUXUU YIDHI NIN GODOB QABA
GEYIGABA DHAMAANTII
LAGA GOOBAYAAN AHAY
WAXSE GALABTA SHEEKO LEH
NACASNIMADA GUULEED
GADHKU KAAGA SOO BAXAY
GUULEED MARKAASUU
KA DAREEMAY GOODKII
INAAN LAGA GEYOONAYN
WUXUU YIDHI MAR GOODOOW
GONDAHA KAALAY HOOSOO
GARBAHAYGA SOO DHAAF
GUULEED WAR LAAWOOW
GAAGAABSO BUU YIRI
GOOD CUNA KU MARANOO
GOD DHUL WAAYAY BAAN AHAY
GUUDKAAGA KAMA DEGO
HA GILGILANIN BUU YIRI
GACMO LAABO BUU YIRI
GO'A HA HUWANIN BUU YIHDI
MARKAAN GANO JIDHKAAGEE
DHIIGAAGA GORORSADO
GUULYAHAY DHEH BUUU YIDHI
GARAAC SACABKA BUU YIDHI
GOORTEEY U DARANTAHAY
GAADHIGA IGA QABUU YIRI
INAAN GAM'O HA MOODINE
WAAN KUU IL GALACLAYN
WAANA KUU GOL LEEYAHAY
GUULEED NAFTIISUU
GOORBAAS CANAANTOO
GEBI IGU DUN BUU YIDHI
GABAL BAASNA HA II DHACO
DHIB WIXIII IGAADHABA
ANIGAA ISKU GAYSTOO
GABLAN BAHASHA HOOSAAD
ILAYN GOOD ABAAL MA LEH
GENEYOOW BAL LABADAA
SIDEE BAAD U KALA GURI
GAARIYE MASKII IYO
KALA SAAR BAL GUULEED
GOOD IYO HADRAAWOOW
U GAR QAAD NINKII SIDAY