Stephen R. Covey oo ahaa qoraa, ganacsade, iyo aqoonyahan reer Mareykan ah, ayaa waxa uu buuggiisa caanka ah ee “Toddobada Caado Ee Dadka Waxtarka Leh” oo ah buug ka mida buugaagta ugu mudan ee ka hadasha hormarinta nafta, ku xusayaa toddobo dhaqan oo wax-ku-ool ah, oo ay leeyihiin dadka waxtarka leh ee nolosha wax ka dhex xaqiijiya, waxaana ay toddobadaas caado kala yihiin:
1. Noqo sayidka ficilladiisa (be proactive): halkii aad sugi laheyd in ay wax wanaagsan noloshu ku siiso, adigu abuuro waxa wanaagsan ee aad rabtid, wax walbana qorshee inta aysan dhicin ka hor, si aadan u noqon qof falcelinaya (reactive), ee aad u noqotid qof fal abuuraya (proactive), oo masuuliyadda noloshiisa dhabarka u rita.
2. Wax qabo adoo qorshahaaga xasuusan (begin with the end in mind): waxa aad yeelataa hadaf nololeed qeexan, oo aad rabtid in aad gaartid, deeto ficilladaada nolosha waxa aad ka dhigtaa kuwo hadafkaas u adeegaya, si aad u gaartid halka aad rabtid.
3. Mudanta horreysii (put first thing first): tamartaada, wakhtigaaga, karaankaaga iyo hantidaada waxa aad gelisaa waxa ugu muhiimsan ee ku horyaalla, waxa aadna is bartaa sida loo diido ama dib loogu dhigo waxyaalaha raqiis ka ah.
4. Maanka ku hay wada guuleysiga (think win-win): marka aad dadka soo dhaweysanaysid ama la dhaqmeysid, waxa aad raadisaa dad diyaar u ah in ay guuleystaan adna aad guuleysatid, kuwaas oo ay danuhu si daacadnimo leh idiin mideyn karaan.
5. Dadka fahan si laguu fahmo (seek first to understand, then to be understood): noqo qof dadka u dhageysta si naxariis iyo wanaag leh, oo isku day in aad fahantid aragtiyaha iyo doonista dadka, si kuwaaga loo fahmo.
6. Wada shaqeyn lahow (synergize): guulaha aad gaari kartid adiga oo kaligaa ah waxaa ka weyn, ka dhakhso badan, kana culeys yar kuwa aad gaari kartid marka aad cid kale is kaashataan, marka ha noqon gooni socod dantii garad ah, ee ogolow in aad cid kale saami wadaag noqotaan.
7. Miishaartaada afeyso (sharpen the saw): naftaada diyaari, oo noqo qof shakhsi ahaan diyaar u ah in uu helo waxa uu u qalmo, adiga oo dhisaya jirkaaga, ruuxdaada, caqligaaga, aqoontaada, iyo shucuurtaada, si aad u noqotid qof xammili kara culaysyo badan, ama xallin kara hawlo badan.