Type Here to Get Search Results !

NOOCYADA RAGGA , Saddexda Heer Ee Ragga

 





Saddexda Heer Ee Ragga 

- - - - - 

1. Pretty Boy (Soy Boy): inta badan, waa rag da’ ahaan u dhexeeya 10 jir ilaa 30 jir, kuwaas oo leh dabeecad dheddig (feminine energy), iyo muuqaal macaan oo dhalinyaronnimo. Inta badan, wiilashan oo weji ahaan nacnac ahi, waxa ay wakhti badan geliyaan timahooda, wajigooda, iyo make up kooda. Ma lahan murqo waaweyn iyo gar midna, laakiin waxa ay leeyihiin qal dheer oo qurux badan, iyo indho Jaceyl oo wada naxariis ah. Waxaa ay ku waalan yihiin (obsess) muuqaalkooda.  Waa rag aad u gala sawiro xad dhaaf ah, iyaga oo marka ay sawirada gelayaan muujiya suure iyo isjajabin, muujineysa in ay u maleynayaan in dunidu iyaga ku mashquulsan tahay. 

Caadiyan wiilashani, waa niman qalbi wanaagsan, oo aan jecleyn in nolosha si adag (serious) loo qaato, waxaana ay ku raaxeystaan had ba wixii ay markaas heystaan, iyaga oo aan ka fekerin wax ka maqan, iyo adduunka dibedda ka ah. 


Wiilashani waxa ay heystaan qalbiyada gabdhaha dhaliyarada ah, ee aan weli gaarin heer ay mustaqbal iyo guur ka fekeraan, marka social media ha la joogana, waa ragga ugu badan ee sawiradoodu iyo muuqaaladoodu helaan wad-waditaan iyo ammaan xad dhaaf ah. Waxaana ay si gaar ah u soo jiitaan dumarka luqaddooda jaceylku ay tahay taabashada, ee ku raaxeysta in ay ku ciyaaraan timaha, qoorta iyo jirka ragga. 

Caadiyan, wiilashani waa caaddifiyiin, aan shucuurtooda xakameyn karin, oo dabeecad ahaan ciyaal ciyaal ah, mar walba oo ay ficil sameynayaanna waxa ay ka go’aan qaataan waxa ay dareemayaan. 


2. Chads (Alpha Male): inta badan, waa rag da’ ahaan u dhexeeya 20 iyo ilaa 45 jir, kuwaas oo leh dabeecad ugaarsade (hunter’s mindset), iyo muuqaal rageed oo qurxoon. Waa rag leh hoggaamin dabiici ah, oo naftooda ka adag, jecel na in ay habeeyaan nolosha dadka. Inta badan chads ku waa rag yaqaanna waxa ay doonayaan, oo u halgama (goal-oriented). Muuq ahaan raggaani waa murqo la ciyaar, jecel in ay jir ahaan fit ahaadaan. Mar ay joogto kartida iyo kalsoonidana, raggaani waa rag naftooda aamisan, oo si sarreysa isku iibiya (self-assured). 


Raggani wakhti kuma bixiyaan tagtadii, kamana welwelaan waxa soo socda, keliya hawlaha markaas heysta ayaa ay hadba si dadnimo leh u waajahaan. Sida u dabeecadda ah, waa rag toosan oo ay is waafaqaan hadalkooda iyo ficilladoodu. 


Chads ku waa rag noloshoodu halgan ku jirto, oo wax badan xaqiijiyay, welina u halgamaya in ay dunida tusaan cidda ay yihiin. Raggani waa walow ay yihiin rag ad-adag, oo si maamuus leh loola dhaqmo, haddana waa rag is qurxiya, oo jirkooda iyo lebbiskooda wakhti geliya. Waana sababta ay u yihiin birlabta soojiidata dumarka guurdoonka ah, ee raba nin karti, qurux, caqli, iyo hoggaamin leh. 


3. Hyper Masculine (The Man): waa rag waaweyn, inta badan muuq ahaan ballaaran, awood badan, laakiin aan murqo jarjarneyn. Ma daneeyaan quruxda iyo soojiidashada ka baxsan ragannimadooda. Waa rag aaminsan in loo abuuray in ay dunida qabsadaan. Waxaana ay la diriraan in ragga dhaqan ahaan loo dhadigeeyo, si uusan dadku uga tegid fitradii uu ku dhashay. 


Waa rag daryeel (care) iyo ilaalin (protection) badan siiya caruurtooda, xaasaskooda, iyo cid walba oo noloshooda ku jirta. Ma hadal badna, laakiin eray walba oo ay dhahaan macne ayaa uu sameeyaa. 

Raggani waa rag nolosha wax badan ka xaqiijiyay, oo inta badan da’ ahaan 40 dhaafay. Waxaan ay nolosha ugu jiraan sidii macallimiintii. Iyaga oo la taliya ragga yaryar, jecel na in noloshu ragannimo iyo masuuliyad ku dhisnaato. 

Raggani waxa ay u badan yihiin kuwo xirxiran, oo noloshoodu dhab tahay (serious) tahay, kuwaas oo cid walba oo jilicsani ay ka cabsato. 


Tusalayaasha: Justin Bieber, Hrithik Roshan, iyo Dwayne Johnson.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.