𝐘𝐮𝐮𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐘𝐚𝐦𝐚𝐚𝐲𝐮𝐮𝐠
Kal markii la joogaba, kuwani waa duul ka soo baxa cidhifka waqooyi bari ee dunida. Ifka waxa ay ka ridaan argagax abadi ah, oo aan weligii tirtirmayn. Waa duul adduunka u qaabbilsan arbushka iyo qarribaadda. Dilka, boobka, muquuninta, iyo burburintu waa shaqadooda ay ku caanbaxeen. Malaayiin qof in hal mar la xasuuqaa, iyaga waxa ay uga dhigan tahay dooro la ceejiyay; webiyo dhiig ah oo la fatihiyaa, iyaga waxa ay u la mid tahay koob shaah ah oo la qubay; imbiraadooriyad dhan oo afka loo ridaa, kuwan waxay u tahay tuulo la qabsaday.
Kuwani waa duulka uu Quraanku u bixiyay Ya'juuj iyo Ma'juuj, Ehlu-kitaabkuna ay ugu yeedhaan Gog iyo Magog, ee ay Soomaaliduna u taqaannay Yuug iyo Yamaayuug. Waxa lagu tilmaami karaa inay yihiin halxidhaalaha ugu weyn, ee Quraanka ku soo arooray, kaas oo daaliyay maskaxda maanmaalayaasha, facyaal farabadan farabadan.
Qormadan kadib, waxaan filayaa inay wax badani kaaga faydmi doonaan sirta quruumahan, ee sogordoha badan.
𝟭. 𝗤𝘂𝗿𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴.
Qof kasta oo muslin ahi, wuxuu yaqiinsan yahay in xog kasta oo ku soo aroorta Quraanka Kariimka ahi ay tahay mid dhab ah, oo ka timi Eebbaha abuuray noolaha iyo koonka. Haddaba Yuug iyo Yamaayuug, Eebbe wuxuu ku xusay laba suuradood oo Quraanka ka mid ah. Mar waa suuradda Kahfi (aayadaha 94 illaa 99). Waa sheekada xilligii hore ee ay wax qarribeen, kadibna uu Dulqarnayn teedka ku xidhay. Marka kalena waa suuradda Anbiyaa (aayadaha 95 iyo 96). Markanna waa tibaaxda xilliga danbe ee ay soo bixi doonaan.
Dulqarnayn, waa mid ka mid ah afartii hoggaamiye ee dunida oo dhan xukumay, dacal illaa dacal. Waa mid ka mid ah afartaas, labadooda muslinka ah.
Haddaba beri beryaha ka mid ah, Dulqarnayn, wuxuu socdaal ku gaafwareegay cidhifyada dhulka. Galbeed ayuu ku horreeyay iyo qorrax dhac, kadibna bari guntii ayuu soo taabtay. Bari markii uu ka soo noqday, inkasta oo aanu Quraanku xusin, haddana sooyaalka waxa loo badinayaa inuu Waqooyi u kacay. Sawiro qof Ustareeliya jooga, oo waqooyi u kacay ( Koonfur berri kaama xigo). Way caddahay in deegaanka qudha, ee aan badda ahayn ee ku beegani inuu yahay Eeshiya, gaar ahaan Jabbaan, Shiinaha iyo bariga Ruushka.
Dhankaas markii uu Dulqarnayn u kacay, wuxuu la kulmay duul af adag, oo aanay bulshooyinka kale fahmaynin luuqaddooda. Duulkaasi waxay uga cawdeen Dulqarnayn, inuu ka caawiyo sidi uu xayndaab ugaga samayn lahaa, duul kale oo dhib badan, oo la yidhaahdo Yuug iyo Yamaayuug, oo arliga qarribaya. Sidaas ayuu Dulqarnayn ku dhisay teed bir iyo maar ka samaysan, oo uu ku awday afaafkii u dhexeeyay jarka labada buurood, ee ay Yuug iyo Yamaayuug ka soo gudbi jireen.
فَمَا اسْطَاعُوا أَن يَظْهَرُوهُ وَمَا اسْتَطَاعُوا لَهُ نَقْبًا (𝟵𝟳)
𝟵𝟳. 𝗪𝗮𝘆 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗶 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗲𝗲𝗻 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝘀𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗿𝗮𝗮𝗻, 𝗶𝘆𝗼 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗹𝗼𝗼𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗮.¹
Sidaas ayuu ugu sheegay iyaga, inuu teedkani yahay naxariista Ilaahay, ee uu addoomaha kaga horjoogo arbushka Yuug iyo Yamaayuug. Hadalka se wuxuu uga daray, inuu maalin maalmaha ka mid ah teedkani dhulka la sinmi doono.
قَالَ هَذَا رَحْمَةٌ مِّن رَّبِّي فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ رَبِّي جَعَلَهُ دَكَّاء وَكَانَ وَعْدُ رَبِّي حَقًّا (𝟵𝟴)
𝟵𝟴. 𝗪𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗞𝗮𝗻𝗶 𝘄𝗮𝗮 𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝗲𝗲 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿, 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗱𝗵𝗮𝗯 𝗮𝗵.²
Ballanka Ilaahay waa soo bixitaanka Yuug iyo Yamaayuug, waayo waxay ka mid yihiin astaamaha waaweyn ee Qiyaamaha ka horreeya.
𝟮. 𝗔𝘅𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴.
Axaadiis door ah oo sugan, ayuu Nebigu (scw) kaga sheekeeyay Yuug iyo Yamaayuug. Sida oo kale waxa la soo arooriyaa axaadiis kale, oo aan sugnayn. Quraanka iyo axaadiista sugan innaga oo haysanna, baahi uma qabno wax kale.
Wuxu yidhi Nebigu (scw), "𝗦𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝘂 𝗺𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗼𝗯𝗮𝗻 𝘁𝘂𝘀𝗺𝗼: 𝗾𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗱𝗮, 𝗱𝗮𝗮𝗯𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗱𝗮, 𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮...."³
Nebigu sidii uu uga werweri jiray xaalka muslimiinta ee xilligiisii, ayuu sida oo kalena ka fikiri jirey waayaha iyo waxyeellada ku iman doonta muslimiinta gadaashiisa iman doona. Waxay tidhi, hooyada muuminiintu, Saynab, "𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗡𝗲𝗯𝗶𝗴𝘂 𝗵𝘂𝗿𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮 𝘁𝗼𝗼𝘀𝗮𝘆, 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝘄𝗲𝗷𝗶 𝗴𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱𝗮𝗻, 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗾𝗮𝘆𝗮: 𝗹𝗮𝗮 𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮 𝗜𝗹𝗹𝗮 𝗟𝗮𝗮𝗵, 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝗶 𝘄𝗮𝘆 𝗵𝗼𝗼𝗴𝘁𝗮𝘆, 𝘀𝗵𝗮𝗿 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗼𝘄𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆. 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮 𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝘁𝗲𝗲𝗱𝗸𝗶𝗶 𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴 𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗹𝗲𝗲𝗴 (𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗴𝗼𝗼𝗯𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗳𝗮𝗿𝗶𝗵𝗶𝗶𝘀𝗮 𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗴𝘁𝗮). 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, ''𝗠𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗵𝗮𝗹𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮 𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻𝗶 𝗻𝗮 𝗱𝗵𝗲𝘅 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮𝗮𝗻?'' 𝗪𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, ''𝗛𝗮𝗮, 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝗾𝘂𝗱𝗵𝘂𝗻𝗸𝘂 𝗯𝗮𝘁𝗼." "⁴
Mar kale, wuxuu yidhi, Nebigu (scw), "𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝘀𝗮𝗿𝗿𝗲𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗿𝗿𝗲𝗲𝘆𝗲, 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗾𝗶𝘆𝗮𝗮𝗺𝗲 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮, ''𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻𝗼𝗼𝘄''. 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮, ''𝗞𝘂 𝗮𝗷𝗶𝗶𝗯𝗮𝘆, 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝗴𝗮𝗿𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆''. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗰𝗼𝗱 𝗯𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗾𝗮𝘆𝗮, ''𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗳𝗮𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼𝘀𝗮𝗮𝗿𝘁𝗼 𝘁𝗮𝗳𝗶𝗶𝗿𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗴𝘂𝗹𝘂𝗳𝗸𝗶𝗶 𝗻𝗮𝗮𝗿𝘁𝗮. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮, ''𝗘𝗲𝗯𝗯𝗼𝗼𝘄, 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗴𝘂𝗹𝘂𝗳𝗸𝗮 𝗻𝗮𝗮𝗿𝘁𝘂?'' 𝗪𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, ''𝗞𝘂𝗻 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮, 𝘀𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹 𝗯𝗼𝗾𝗼𝗹 𝘀𝗮𝗴𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵.'' 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮𝘀 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝘁𝗮 𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗹𝗶𝗵𝗶𝗶 𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮, 𝘂𝗯𝗮𝗱𝗸𝘂𝗻𝗮 𝗰𝗶𝗿𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻. 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗿𝗸𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗶𝘆𝗮𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗿𝘀𝗮𝗻, 𝗺𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝘆𝗮𝗻𝗮 𝗺𝗮𝘆 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻, 𝗲𝗲 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗥𝗮𝗯𝗯𝗶 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗮𝗿𝗮𝗻.''
𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝘆, 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗮𝗿𝗿𝗶𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗸𝘂 𝗰𝘂𝘀𝗹𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆, 𝗵𝗲𝗲𝗿 𝗮𝘆 𝘄𝗲𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱𝘂 𝗶𝘀 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝘆𝗲𝗲𝗻. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗡𝗲𝗯𝗶𝗴𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮 𝘀𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹 𝗯𝗼𝗾𝗼𝗹 𝘀𝗮𝗴𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮, 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮𝗻𝗮 𝗺𝗶𝗱𝗸𝗮.''⁵
Maanka ku hay mar kasta, Yuug iyo Yamaayuug, waa dad tafiirtii aadan ka mid ah, oo dhulka inagu la nool. Ma aha quruumo kale oo maanta meel cidlo ah ku go'doonsan. Ma aha kuwo aad u gaagaaban, ama kuwo geed timireedka laaleeg dherer ahaan. Maha kuwo dhego waaweyn oo midna barkada midna huwada. Waa dad caadi ah, sida aynu ku soo aragnay sheekada Dulqarnayn, iyo axaadiista sareba.⁶
𝟯. 𝗔𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗘𝗿𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗬𝗮'𝗷𝘂𝘂𝗷 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮'𝗷𝘂𝘂𝗷.
Yuug iyo Yamaayuug af Soomaali ahaan waxa lagu tilmaansadaa wax badan, oo ciidda iyo cammaarka ka farabadan. Dhanka Carabta, in kasta oo ay culimo badani qabaan inuu magaca Ya'juuj iyo Ma'juuj yahay mid cajami ah, haddana kuwo kale waxay qabaan inuu leeyahay aroor Carabi ah. Salka magacu waa (ajja) waxaanu leeyahay macnayaal door ah: orodka iyo ruclaynta; huritaanka dabka; iyo biyaha ajada ah.
Adeecidda hoggaanka ee indhola'aanta ah, orodka iyo fiditaanka degdegga ah, hurinta dagaalka iyo dhibaatooyinka joogtada ah, iyo dhaqannada ajada ah ee qarriban, intaas oo sifaba waxay ku dhaboobayaan duulkaas fajicisada ah, iyow duulalkii ay sadheeyaan ba.
Haddaba, Ya'juuj iyo Ma'juuj ha noqdaan magacyada laba ummadood, ama ha noqdaan ummad iyo hoggaamiyaheeda, ama magaca deegaanka iyo dadkiisa e, mar kasta Ya'juuj waa huriye, Ma'juujna waa hursame; Ya'juuj waa sadheeye, Majuujna waa sadhaysme.
𝟰. 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺 𝗮𝗹-𝗧𝘂𝗿𝗷𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻.
Xilligii uu talada dawladdii Cabbaasiyiinta hayay, Haaruun al-Waasiq (227 – 232 H) wuxuu habeen ku riyooday riyo argagax leh, oo ka fajicisay. Wuxuu ku riyooday inuu teedkii Yuug iyo Yamaayuug furmay, oo uu ballaqan yahay. Arrinkaas aad ayuu uga naxay, waxaanu faray in la diyaariyo koox sahamiyayaal ah, oo soo baadha arrinkan salkiisa.⁷
Taliyihii ciidankiisa oo la odhan jiray Ashnaawi al–Turki, ayaa u sheegay inuu jiro nin turjumaan ah, oo yaqaanna 30 af, lana yidhaahdo Salaam. Sheekadan waxa ku soo arooriyay buuggiisa al-Masaalik wal Mamaalik, qoraa Cubaydullaahi binu Khardaadaba (Dh 280 H). Waxa uu xusayaa inuu la kulmay, oo uu afkiisa ka hayo sheekadan Salaam al-Turjumaan, oo ah ninka loo diray sahaminta teedka Yuug iyo Yamaayuug.
Safar dheer oo ka bilaabmay magaalada Saamarraa, ee dalka Ciraaq, ayaa qaatay 16 bilood oo sii socod ah, iyo 12 bilood oo guryo noqod ah. Salaam iyo ciidankii la socday waxay gaadheen afaafka teedka Yuug iyo Yamaayuug. Waxaanu ka bixiyay tilmaanta ugu faahfaahsan ee illaa maanta la hayo.
Xayndaabku waa buur wareegsan, oo la sheegay inay Ya'juuj iyo Ma'juuj ku dhex nool yihiin. Teedka wuxuu ka dhisay Dul Qarnayn marin ka bannaan labada buurood dhexdooda. Dhererkiisu waa 200 oo dhudhun (120 Mitir). (Fiiri Sawirka)
Wuxuu caddeeyay Salaam, inuu Dul Qarnayn u dhisay teedka sida albaabka oo kale. Wuxuu dushiisa ku dhisay dhagaxaan ka samaysan bir iyo maar. Kadibna wuxuu ku sii dhalaaliyay bir iyo nixaas kale. Lama kala garanayo, ayuu leeyahay, buurta iyo albaabka sida loo farsameeyay dartii.
𝟱. 𝗦𝗼𝗼𝗯𝗶𝘅𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝗲𝗲 𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴.
Dad badankoodu waxay u qabaan Yuug iyo Yamaayuug mar keliya, oo ah aakhirusabaanka, inay soo bixi doonaan. Laakiin nuxurka nusuusta diinta iyo duruusta sooyaalka laga bartay ayaa taa beeninaya. Yuug iyo Yamaayuug soo bixistoodu waa hirar kala danbeeyay, oo aan hakad lahayn.
Eebbe markii uu ka warramay dhismaha teedkii Dul Qarnayn, ee uu sheegay inuu yahay raxmad dadka ka horjooga qarribka Yuug iyo Yamaayuug, wuxuu ballanqaaday inuu burburin doono teedkan. Goortaas uu burburiyana Yuug iyo Yamaayuug iyo quruumaha kale waxay isugu milmi doonaan sida hirarka badweynta.
وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِي بَعْضٍ وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَجَمَعْنَاهُمْ جَمْعًا (𝟵𝟵)
𝟵𝟵. 𝗪𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝗮 𝘁𝗮𝗴𝗻𝗮𝘆 𝗶𝘆𝗮𝗴𝗮 (𝗺𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶) 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝗯𝗮𝗱𝗵𝗯𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝘂 𝗱𝗵𝗲𝘅 𝗺𝘂𝘀𝗵𝗮𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻. 𝗦𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗶𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝗮𝗳𝘂𝘂𝗳𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗻𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘂𝗿𝘂𝗿𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆.⁸
Waa run inay jirto mar danbe, oo ay Yuug iyo Yamaayuug soo baxayaan, iyaga oo leh awoodo caadi-kabax ah, laakiin taasi ma aha markii ugu horreysay. 𝗗𝗿. 𝗦𝗵𝗮𝗳𝗶𝗶𝗰 𝗮𝗹-𝗠𝗮𝗮𝘅𝗶, u kuurgalay xilliyadii kala danbeeyay ee ay soo baxeen Yuug iyo Yamaayuug taariikhda, wuxuu ku soo koobay toddoba jeer, oo aanu ku jirin soo bixitaankooda aakhirusabaanku. Mar kasta waxay ka soo dhaqaaqi jireen arligadooda Mangooliya, inkasta oo ay magacyadoodu kala duwanaan jireen.
Waxa loo yaqaannay magacyo kala duwan, marka ay isirka Yuug iyo Yamaayuug ku soo bixi jireen dadka caalamka:
- Ashuuriyiintu waxay u yaqaanneen qarnigii lixaad ee milaadiga kahor magaca 𝗦𝗶𝗸𝗶𝗶𝘀𝗶𝘆𝗶𝗶𝗻 (𝗦𝗰𝘆𝘁𝗵𝗶𝗮𝗻𝘀).
- Shiinuhuna waxay u bixiyeen qarnigii saddexaad ee milaadiga kahor magaca 𝗛𝘀𝗶𝘂𝗻-𝗻𝘂.
- Waxay u yaqaanneen Yurubiyaanku qarnigii afraad ee milaadiga magaca 𝗛𝘂𝘂𝗻 (𝗛𝘂𝗻).
- Quraanku wuxuu u kaydiyay, isaga oo ah waxyigii ugu danbeeyay ee aadamaha ku soo dega, qarnigii toddobaad ee milaadiga magaca 𝗬𝗮'𝗷𝘂𝘂𝗷 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮'𝗷𝘂𝘂𝗷.
- Muslimiinta, Shiinaha iyo Yurubiyaanku waxay u yaqaanneen qarnigii saddex iyo tobnaad ee miilaadiga magaca 𝗠𝗮𝗾𝗼𝗼𝗹 𝗮𝗺𝗮 𝗧𝗮𝘁𝗮𝗮𝗿. ⁹
Arrintan sheekhu ma aha mid uu keligii qabo, ee waa looga horreeyay. Culimadii uga horreysay waxa ka mid ah xadiisaa iyo fiqiyahan 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗻𝘄𝗮𝗿 𝗮𝗹-𝗞𝗶𝘀𝗵𝗺𝗶𝗶𝗿𝗶 (𝗗𝗵 𝟭𝟯𝟱𝟮 𝗛) Wuxuu ku sheegay sharrixiisa Saxiixul Bukhaariga, ''Teedkii Dul Qarnayn waa burbur maanta. Quraankana kuma yaallo ballanqaad sheegaya inuu weligii taagnaanayo inta ay Yuug iyo Yamaayuug ka soo baxayaan, ee keliya waa ismoodsiis maskaxdeenna ku jira. Iyagu waxay leeyihiin soo bixitaan kala dandanbeeya. Hadda kahorna way soo baxeen, oo dhulka waxay u fasahaadiyeen si Ilaahay laga magangalo. Haa, waa run inay leeyihiin soo bixitaan danbe oo aakhirusabaanka ah, kaas oo ah ka ugu daran. Laakiin Quraanka kuma xusna inuu soo bixitaankaasi ku xidhiidhsan yahay dumista teedka, keliya waxa ku xusan Quraanka in la burburin doono teedka, waanu dumay sidii la ballanqaaday." ¹⁰
Taariikhyahan 𝗜𝗯𝗻𝘂 𝗔𝘁𝗵𝗶𝗶𝗿 (𝟱𝟱𝟱 - 𝟳𝟮𝟬) wuxuu leeyahay sannado badan ayaan ku dhiirran waayay inaan wax ka qoro aafadii Maqoolka, aniga ka firkanaxsan masiibadaas weynaanteeda. Wuxu yidhi, ''Hooggaygee hooyaday maxay ii dhashay. Hoogaygee maanta dhinto intaanay dhicin. Haddii uu qof yidhaahdo, dunida intii uu Eebbe abuuray Aadan iyo illaa hadda, dhibtan oo kale cidna lagu ma sallidin, ruun buu sheegay. Waayo taariikhdu may kaydin wax u dhigma ama u dhowdhow toona. Khalqiguna ma arki doono wax la mid ah tan oo kale, inta uu ka dabargo'ayo caalamku, ee ay adduunyadu ka dhammaanayso, keliya marka laga reebo Yuug iyo Yamaayuug tooda." ¹¹
𝟲. 𝗗𝗮𝘆𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗮𝗵𝗮.
Shiinaha beeralayda ah, dhulkooda cagaaran, waxa waqooyi kala deris ah Mangooliyiinta raacatada ah, ee uu dhulkoodu buuraha iyo saxaraha u badan yahay. Kumannaan sanno ayay raacatadaa dagaalyahanka ahi, damac iyo duullaan joogto ah ku hayeen deriskoodaas ladan. Taasi waa ta keentay inay Shiinuhu dhisaan Dayrka Weyn, ee fajicisooyinka dunida ku jira.
Ma aha wax lala yaabo, haddii aad ku dooddo in dadkii afka adkaa, ee Dul Qarnayn uga cabanayay duulaanka Yuug iyo Yamaayuug ay ahaayeen isla Shiinaha. Sidaa oo kale ayaad ku doodi kartaa inay Shiinuhu ka keeneen fikradda dhismaha dayrka, teedkii Dul Qarnayn ee hore. Si uu quruumahan raacatada ah, ee dhibta badan isaga oodo, Shiinaha waxay ku qaadatay 2500 oo sanno inuu dhiso Dayrka Weyn.
Beelahan raacatada ah ee isir wadaagta ah: Yuweeshi (Yuezhi), Shiyan-nu (Xiongnu), Uguurka (Uighurs), Turkida iyo Mangoolka (Mongols) iyo Sikiisiyiin oo ka horreeyay, waxa fajaciso ah duullaanka hirarka ah, ee ay xilliyo kala duwan ku qabsanayeen daafaha dunida.
𝟳. 𝗪𝗮𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮.
Wuxuu Rasuulku (scw) sheegay inuu nebi kastaa umaddiisa uga digay fidnada Dajaal. Taasi waxay ina tusinaysaa inay dajaalnimadu tahay habdhaqanka marinhabaabinta, qishka, beenta iyo dagista ku dhisan, ee aanu markasta ahayn qof aakhirusabaanka uun soo baxaya. Sidaas oo kale Yuug iyo Yamaayuugnimadu waa habdhaqanka fasahaadka iyo qarribaadda ah, ee keliya ma aha duul meel ku xaraysan, oo aakhirusabaanka dayrka soo jabsanaya. Sidaa darteed, sida ay u jirto ummad jaadgooni ah oo la yidhaahdo Yuug iyo Yamaayuug, ayay sida oo kale u jiraan umado leh dhaqankoodii, kuwaas oo gunbur kasta oo adduunka ah ka dhaadhacay, si ay ummadaha kale u gumaystaan.
Nebigu wuxuu muslimiinta u sheegay, in kunkii qofba ay sagaal boqol iyo sagaal iyo sagaashan ka mid ahi ay naarta galayaan, kuwaas oo ah Yuug iyo Yamaayuug. Halka midka soo hadhay, ee jannada gelayaa uu ka yahay muslin. Sida oo kale wuxuu sheegay Nebigu (scw) inay muslimiintu yihiin, marka ummadaha kale loo eego, "𝗦𝗶𝗱𝗶𝗶 𝘁𝗶𝗻 𝗺𝗮𝗱𝗼𝘄 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝘁𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮 𝗱𝗶𝗯𝗶 𝗰𝗮𝗱, 𝗮𝗺𝗮 𝘁𝗶𝗻 𝗰𝗮𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝘁𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮 𝗱𝗶𝗯𝗶 𝗺𝗮𝗱𝗼𝘄." ¹²
Taasi iyada oo ay jirto, haddana dhulka rasmiga ah ee Yuug iyo Yamaayuug waa waqooyi bari Aasiya. Ummadda jaadgooniga ah, ee Yuug iyo Yamaayuugna waa isirka Mangoolka iyo wixii ay cago ku qaataan.
Mangooliya maanta waxay u qaybsan tahay saddex qaybood: Mangooliyada gudaha, oo uu Shiinuhu haysto; gobolka Shiita, oo uu Ruushku haysto; iyo Jamhuuriyadda Mangooliya oo ah dal madaxbannaan. Haddaba, maanta kuma xayndaabna teedkii Dul Qarnayn, ama dayrkii Shiinaha, balse waxay ku xayndaaban yihiin dayrka quwadaha laba dawladood oo waaweyn. Laakiin, waxa dhab ah, inay maalin maalaha ka mid ah, oodda soo jabsan doonaan, si ay adduunka mar kale cagta u mariyaan. Markani se waa markii ugu danbaysay.
𝟴. 𝗠𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗹𝗮 𝗛𝗮𝗹𝗮𝗮𝗴𝗮𝘆.
Haddii markii koowaad ee uu Ilaahay ka warramay Yuug iyo Yamaayuug, ay ahayd kolkii hore ee uu Dul Qarnayn teedka ku xidhay; mar kale oo mustaqbalka ah ayuu Eebbe Quraanka ku sheegay furistooda. Markan waxa uu astaan uga dhigay furistooda iyo soo bixistooda, inay tahay marka dadka magaalo la halaagay, ay magaaladaas dib ugu soo noqdaan.
وَحَرَامٌ عَلَى قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا أَنَّهُمْ لا يَرْجِعُونَ (𝟵𝟱)
𝟵𝟱. 𝗪𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗮𝗯𝗻𝘂𝘂𝗰 (𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮) 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗵𝗮𝗹𝗮𝗮𝗴𝗻𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗾𝗱𝗮𝗮𝗻.
حَتَّى إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلُونَ (𝟵𝟲)
𝟵𝟲. 𝗜𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗳𝘂𝗿𝗼 𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴. 𝗜𝘆𝗮𝗴𝘂𝗻𝗮 𝘁𝗮𝗮𝗴 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝘄𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗼𝗿𝗱𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻. ¹³
Aayadahan oo ah kuwo muhmal ah, culimadu waxay ku fasireen macneyaal kala duwan. Waxay yidhaahdeen, dadka la halaagay kuma soo noqonayaan adduunyada, ama kuwa gaaloobay ma toobbad keenayaan, ilaa laga furo Yuug iyo Yamaayuug, oo uu qiyaamuhu ka dhacayo. Laakiin haddii la dhuuxo, aayaduhu waxay astaan u samaynayaan soo bixitaanka danbe ee Yuug iyo Yamaayuug. Magaalo la halaagay, marka ay ku soo noqdaan dadkii hore u degannaa, taasi waxay calaamad u tahay furitaanka Yuug iyo Yamaayuug.
Magaaladaas la halaagay, ama la jebiyay, ee dadkeedii laga saaray, waxaan filayaa inay tahay 𝗤𝘂𝗱𝗱𝘂𝘀 𝗮𝗺𝗮 𝗤𝘂𝘀𝗱𝗮𝗻𝗱𝗶𝗶𝗻𝗶𝘆𝗮. Qusdandiiniya (Istaanbuul) iyo Quddus labaduba kaalin weyn ayay ku leeyihiin dhacdooyinka aakhirusabaanka, taas oo si weyn looga dheehan karo nusuusta diinta.
𝟵. 𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱.
Waxaynu sare ku soo aragnay, inay Yuug iyo Yamaayuug yihiin dad caadi ah, oo ka mid ah tafiirtii nebi Aadan. Haddana dhinaca kale, waxa jira axaadiis sugan oo tilmaamaysa soo bixitaankooda u danbeeya inay biyaha harada Dabriya iyo kuwa webiyada laaci doonaan. Sida oo kale, waxa soo arooray, dadka dhulka marka ay xasuuqaan, inay leebabkooda cirka u gani doonaan, si ay isugu dayaan inay laayaan noolaha cirka. Astaamahani waa kuwo caadi-ka-bax ah, haddaba sidee ayay aadame ku yihiin?
Weydiintan inta aynaan ka jawabin, waa inaynu xusuusanno casriga aakhirusabaanku inuu yahay casrigii khawaariqda iyo mucjisooyinka. Dajaal oo leh awoodo cirfiidnimo ah ayaa soo baxaya. Isna waxa lid ku ah, oo dilaya nebi Ciise (csw) oo mucjiso ah. Daabbad dadka la hadlaysa ayaa soo baxaysa. Qiiq ayaa adduunka qarinaya. Qorraxda ayaa galbeed ka soo baxaysa. Dhulalka ayaa go'aya.
Casrigan Yuug iyo Yamaayuugga soo baxayaa, iyaguna waa kuwo awoodo caadi-kabax ah leh, oo ka duwan kuwii hore u soo bixi jiray.
Awoodahaas ay biyaha harooyinka iyo webiyada ku madhinayaan, sida oo kalena ay ku helayaan hubka beegsanaya noolaha cirka, waxaynu ku tilmaami karnaa laba midkood. Casriga khawaariqda wax kastaa waa suuragal, ee inay yihiin qoom doorsan hiddaside ahaan, sida dedaallada saynisku ku hawlan yihiin xilligan; ama inay yihiin tafiirta jin iyo insi xididay.
Haddaba Eebbe wuxuu ku soo gunaanaday qisada Yuug iyo Yamaayuug, caddaynta inuu ballankii dhabta ahaa ee ciqaabta iyo abaalmarintu (qiyaame) soo dhowaaday. Waxaanu sifeeyay xaalka gaalada iyo kuwo mooggan tusmooyinka Eebbe ee hareerahooda ka dhacaya.
وَاقْتَرَبَ الْوَعْدُ الْحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَاخِصَةٌ أَبْصَارُ الَّذِينَ كَفَرُوا يَا وَيْلَنَا قَدْ كُنَّا فِي غَفْلَةٍ مِّنْ هَذَا بَلْ كُنَّا ظَالِمِينَ (𝟵𝟳)
𝟵𝟳. 𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗱𝗵𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗮𝗵𝗮𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗼𝘄𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆. 𝗜𝗻𝗱𝗵𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗸𝘂𝘄𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝗹𝗶𝗯𝗶𝗾𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗻 ( 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻) 𝗵𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮𝘆𝗮𝗴𝗲𝗲 𝗺𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗻𝗮𝘆 𝗸𝗮𝗻, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻 𝗱𝘂𝗹𝗺𝗶𝗳𝗮𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝗹.¹⁴
..........................
cali ileeye