14 Cashar oo Aynu ka Baran Karno Abwaan Hadraawi
14 Cashar oo Aynu ka Baran Karno Abwaan Hadraawi AUN
Dhawr qof oo Soomaali ah haddii aad la kulanto, midi waa abwaan, midina waa gorfeeye, midna waa dhadhansade suugaaneed—sidaa darteed, way adag tahay ummadda sidaas ah in laga soo dhex mudhaa.
Waxa lagu tilmaamaa Hadraawi abwaanka ugu magaca iyo macnaha weyn Soomaalida—taasna wuxuu ku gaadhay cabqarinimada curintiisa iyo sharafta shakhsiyaddiisa.
Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa 14 qodob oo laga baran karo suugaanta iyo shaksiyadda Hadraawi. Waa 14 qodob oo anfacaya, qof kasta oo doonaya laamaha nolosha inuu figta sare ka gaadho.
1. Dareenka
Suugaanta Hadraawi markaad akhriyayso, waxaad markiiba ka dhadhansanaysaa damqashada iyo dareenka baaxadda leh, ee uu hayay aadamaha guud ahaan, iyo inta jilicsan gaar ahaan.
Wallee iyo billaan maray
Iyo wacad Ilaahay
Wershadaha saboolkiyo
Wadhatada la qaybsaday
Wiilay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo
Waaheel rug sare furan
Marka laysu kala waco
Ninka labada waaxood
Danyar weheshadaan ahay.
—Weriyaha
2. Madaxbannaanida
Silsiladdii Maruuryo (1978)—oo ahayd mid si qabiileed loogu guubaabinayay beelaha Soomaaliyeed—markii ay suuqa qabsatay, ayay wiilal la tol ahi u yeedheen Hadraawi iyo Gaarriye, waxaanay ka codsadeen inay silsiladdaas ka jawaabaan, maadaama oo ay yihiin nimanka ugu afdheer tolka.
Hadraawi wuxuu u sheegay inay ka jawaabi doonaan silsiladdaas, balse qaabka ay uga jawaabayaan uu yahay mid ay iyagu dooranayaan, ee aan dusha laga ga keenayn —sidaasna waxay ku bilaabeen silsiladdii Deellay.
Dacwadayda ciinoow
Diredire umaan tirin
Deelqaaf ka xeel dheer
Uma jeeddo daw dhaaf
Daandaansi kama wado
Ka da'weyni ruuxaas.
Derejiyo xilqaadkeed
Nin u dudaya maan ihi
Damac wayga xaaraan
Dilla gabay ku faankiyo
Doqonniino hadalkiyo
I dayaay wax kuma falo
Maba lihi dareenkaas.
–Daahyalay
3. Mabda'a
Hadraawi wuxu lahaa qaddiyad iyo mabda' nololeed, oo uu cimrigiisa oo dhan u taagnaa—waa sinnaan, caddaalad,
xaqsoor iyo xornimadoon.
Dulin dhiigga miirtiyo
Dulmi hilan hadduu yahay
Xaq dillaacay baad tahay
Nin qabiil daftiisiyo
Sita daramalkiisoo
Ku dan qaba hadduu yahay
Qaran dawladaad tahay
Hadday daana daaniyo
Dawliil ku heesaan
Waxyi soo degaad tahay
–Daahyalay
4. Iska-warqabka
Hadraawi waa qof ka warhayay naftiisa iyo curintiisa—ee muu ahay qof isdiiddo ku nool. Eray kasta oo uu qoray iyo akhlaaq kasta oo uu dadka faray, wuxuu ku dedaali jiray, inuu isagu marka hore noloshii ku dabbaqo.
Toddomaataneeyadii wuxuu ku yidhi silsiladdii Siinley, gaar ahaan maansadii Saxarla:
Samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan.
Waqti kadib markii uu yaqiinsaday inaanu isbeddelku ku imanayn samir keliya, ee loo baahan yahay in ficil la sameeyo, wuu ka guuray, "Samir yeelo weligaa", waxaanu u guuray, "Waxba samir ma liileeyo."
Ta danbe aayar iska muu odhan, balse wuxuu dadka xasuusiyay inuu hadalkiisii Siinley ahaa mid fikirkiisii iyo garaadkiisa xilligaas la jaanqaadayay.
Raadraaca Siinleyda
Socod barashadii doodda
Saxarliyo abbaarteeda
Anigaan wax saaraynin
Sannad iyo garaadkiisa
Saadaashu been weeye
Waxba samir ma liileeyo
Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin nin kaa maarmay
Hana sigan mar mooyaane.
—Sirta Nolosha
5. Farshaxanka
Marka aad leedahay dareen shidan, madaxbannaani qofeed, mabda' aragtiyeed iyo iskawarqab nafeed; waxaad u baahan tahay farshaxan iyo farsamo sare oo aad waxqabadkaaga ku soo bandhigto.
Hadraawi wuxuu ka mid yahay abwaannada ugu farshaxansan dhanka miisaanka maansada, mucda nuxurka iyo muuqaalka hummaagyada—inaad la fajacdo mooyaane, way yar tahay inaad suugaantiisa dhaliil ka soo hesho.
Dhawdhawda kala quban Halabuurka dhabaqda leh
Hawraarta kala dhiman
Tixahaan dhugta lahayn
Way ku dhega barjowdaa
Dhudda gabaygu leeyahay
Ereyada dhexroorka leh
Suugaanta dhaladka ah
Kula hadal af dhawrsoon
Ha ka dheregto maansada.
–Jiitama
6. Geesinimada
Qof kastaa wuu ka dheregsan yahay geesinimada Hadraawi, iyo sida uu af iyo addinba uga hortegay taliskii ugu macangagsanaa ee Soomaalida casriga ah soo mara—balse dhinaca ay geesinimada Hadraawi ka muuqataa dhankaas oo keliya ma aha.
Dad badan ayaa muujin karaa awoodahooda, balse inuu qofku muujiyo goljilicdiisu waa dhif. Hadraawi wuxuu ku dhiirradaa waxyaabo ay adag tahay inuu qofka Soomaaliga ahi badka keeno—sida ka sheekaynta xaaladahiisa nafsiga ah iyo duruufihiisa nolosha.
Hilbahayga qoonmiyo
Qayaxnaanta jaahiyo
Sida qaansadii godan
Joogan soo qandood sadey
Qurubsiga tallaabada
Qalqalloocan igu dhacay
Ma lahayn qallaafee
Qoontayda hoosiyo
Waxa qaabkan iga dhigay
Qisadaas ma haysaa?
—Quduro
7. Kalsoonida
Waxa aad curinaysaa waxay qiimo yeeshaan, marka aad adigu aamminsan tahay. Muuqaal ayaan daawaday oo uu Hadraawi hordhac ugu samaynayo maanso uu leeyahay—wuxuu odhanayaa hadal macnihiisu ahaa, "Qiyaamaha ayaa inoogu dhacaya, haddii maansadan la is yidhaahdo meeris meeris u sharraxa."
Kalsoonida uu Hadraawi ku qabay naftiisa, suugaantiisa iyo fikirkiisu waa ta keentay inuu kaalmaha koowaad galo.
Maansaba dir bay leedihiyo daabac gooniyahe
Ninba wuxuu ka doontaa halkuu gaar u daaqsado e
Dadka uma gudboonee rag bay duuunyadiis tahaye
Deebaanka ruuxii hayaa lagaga daydaaye
Kani waa dux iyo sooryo iyo malabka doocaane
—Durdur
8. Dulmidiidnimada
Hadraawi wuxuu ahaa nin mar kasta sheega xaqa, mar kastana garabtaagan dulmanaha. Dhiillo kasta oo berri Soomaal ama beled shisheeye laga soo sheego wuxuu ahaa kii caroog dulmidiid u noqda—heer uu si weyn u taageeray halgannadii Fiidnaam iyo Falasdiin.
Waddammada adduunyada
Afarteeda waaxood
Dhibta iyo wax yeellada
Inta ila wadaagtaay
Aan heeso weriyee
Kici weerarkaagii
I waraabsha geedkii
Waxyigaygu saarraa.
—Weriyaha
9. Cusboonaysiinta
Maanta (2023) weli waxa xooggan aragtiyaha shaacraaca ah, ee gabayga ka sarreysiiya godadka kale ee maansada. Ka warran shalay (1970) oo wacyigu intan ka liitay, sida uu Hadraawi ugu dhiirraday inuu ruuxda ku afuufo in ka badan 12 god maanseed oo duugoobay—sida jiiftada, saarka, sabaalaha, haanta, geeraar-gaabka iyo qaar kale.
Waan sawiran karaa boqollaalka jeer ee ay dhegaha Hadraawi maqleen weedho aradan oo ka soo maaxday maskax arki-jiray-doon ah.
10. Aqoonyahannimada
Maanso kasta oo uu Hadraawi leeyahay waxaad ugu tagaysaa aqoonta baaxadda leh ee uu u leeyahay diinta, afka, dhaqanka, deegaanka iyo dabeecadaha Soomaalida. Cilmiga dhabta ahina waa ka duruufaha deegaankaaga ka jawaabaya—ma aha ku shisheeye laga soo waariday, oo daawo u ah dhibaatooyinka dad kale.
Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
–Baaq
11. Gobanimada
Gobanimadu waa qiyamka, akhlaaqda, hadalka iyo falalka san oo dhan—waa wax kasta oo lid ku ah gunnimada.
Mar kasta Hadraawi wuxuu ku dedaalaa inuu ku dhaqmo, isla markaana soo nooleeye dhaqankii raacatada—intiisa wanaagsan.
Wuxuu dhiirrigeliyaa dhawrsoonaanta, runsheegnimada, cifada, xalaalmiirashada, caddaalada, naxariista iyo daacadnimada—intaas lidkoodana wuu hiifaa.
Seban loo gabbalo deyey
Gobanimadu noolayd
Geyigeenna waxa jiray
Aqal kebed galooliyo
Googoos ku xidhan yahay
Oo daawashada guud
Gunbur togan ka sheed dheer
Oo gumaro taal taal
Gudihiisa shuunka ah
Gogol lagu cawaystiyo
Salliyada gargaranta ah
Gunti lagu furtaa jiray.
–Kalaguran
12. Jaadgooninimada
Hadraawi suugaantiisa iyo dabeecadihiisuba waxay ahaayeen kuwo jaadgooni ah—taasi waxay keentay inay saaxiibadii ku naanaysaan geed.
Garan waayay sheekada
Waxay gacallayaashay
Geed iigu bixiyeen.
Dhirtu waysku gogolqudha
Ma se wada gudboonee
Giddi maysku qaadaa?
Kay gaar u jeedaan
May gooni sheegaan
Maxay uga gabbanayaan?
–Isa-sudhan
13. Sheeko Tebinta
Waxa la yidhi, sheekadu waa furaha quluubta, adduunkana waxa xukuma sheekeeyayaasha. Isaga oo taas fahansan, tixdiisa iyo tiraabtiisaba wuxuu u soo gudbiyaa Hadraawi hab toolmoon, oo aan laga jeedsanayn.
Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxshoo
Canabkii bislaadoo
Badarkiyo galleydii
Laga tuuray baalkoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu' joogaan
Sow berisamaadkii
Beled Weyne maan tegin.
–Beledweyn
14. Caalaminimada
Hadraawi wuxuu ahaa nin la socda oo la falgala waayaha adduunka. Wuxuu ahaa nin dhiillo iyo dhacdo kasta ka fikira, maansadiisana ku faaqida. Wuxuu jeclaa wanaagga uu Soomaalida la rabo, inuu adduunka kalena helo.
Nin kastoo ganbadu saarantahay dunida guudkeeda
Gurmadkayga waw baahanyahay ruux la gaasiraye
Taydana ninkii igu guntadey waw gar leeyahaye
Marba gooha dhiillada halkii igu galoollaata
Karaankayga waan geyn intaan geeri moogahay
Waxa ina rag ii guulayaa tiisa gaarka ahe.
–Gudgude.
.............................
Abwaan cali ileeye