Type Here to Get Search Results !

Magacyada Jannada oo Af Soomaali ah.

 




Magacyada Jannada oo Af Soomaali ah.

Jannadu waxay leedahay magacyo kala duwan, kuwaas oo tilmaamaya sifooyinka kala duwan ee ay jannadu leedahay. Waa kuwan magacyadaasi, iyaga oo aan af Soomaali kuugu macneeyay.

1. Jannada (الجنة)

Kani waa magaca guud ee loo yaqaanno hoyga ay galayaan rumeeyayaashu (muuminiin) maalinta Aakhiro. Magacani wuxuu koobsanayaa jaadadka nimcooyinka, macmacaanka, farxadda iyo indhadoogsiga oo dhan.

Erayga asalkiisa oo ah af Carabi, wuxuu macnihiisu ka soo jeedaa dednaanta ama qarsoonaanta. Sidaa darteed, bustaanka dhirta badan, ee jiqda ah, ee hadoodilan ayay Carabtu janno u taqaannaa.

Eebbe wuxuu yidhi:

  تِلْكَ الجَنَّـةُ الَتِي نُـورِثُ مِنْ عِبَادِنَـا مَن كَانَ تَقِيـاًّ ( مريم– 63)

63. Taasi waa jannada aanu dhaxalsiin doono addoomahayaga kuwooda dhawrsada.

Mar kale wuxuu yidhi:

 وَنُودُوا أَن تِلْكُمُ الجَنَّةُ أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (الأعراف 43)

43. Waxa loogu baaqay, "Tani waa jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad shaqaysateen dartood."

2. Hoyga Nabadgelyada (دار السلام)

Magacan waxa loogu bixiyay jannada waayo waa hoy ka madhan wax aafo iyo dhib ah.

Eebbe wuxuu yidhi:

وَاللّهُ يَدْعُوَ إِلَىَ دَارِ السّلاَمِ (يونس -25)

25. Eebbe wuxuu ku baaqayaa hoyga nabadgelyada.

Mar kale wuxu yidhi:

لَهُمْ دَارُ السّلاَمِ عِندَ رَبّهِمْ (الأنعام - 127)

127. Waxay ku leeyihiin hoyga nabadgelyada Rabbigood agtiisa.

 3. Hoyga Joogitaanka (دار المقامة)

Jannadu waa hoyga waaritaanka, ee marka la dego weligeed la joogayo, ee aan laga dhimanayn, lagana guurayn.

Eebbe isaga oo ka sheekaynaya ehelka jannada wuxuu yidhi:

وَقَالُواْ الْحَمْدُ للّهِ الّذِيَ أَذْهَبَ عَنّا الْحَزَنَ إِنّ رَبّنَا لَغَفُورٌ شَكُورٌ * الّذِيَ أَحَلّنَا دَارَ الْمُقَامَةِ مِن فَضْلِهِ لاَ يَمَسّنَا فِيهَا نَصَبٌ وَلاَ يَمَسّنَا فِيهَا لُغُوبٌ (فاطر 34 - 35)

34. Waxay yidhaahdeen, "Waxa ammaan leh Eebbe oo naga kexeeyay murugtii. Rabbigayagu waa Danbidhaafe Mahadle ah.

35. Waa ka nagu dejiyay dheeraadkiisa hoyga joogitaanka; dhexdiisana nama taabanayo daal iyo rafaad toona.

4. Jannada Hoyashada (جنة المأوي)

Waa jannada ay ku hoyanayaan, ee ay u hillowdo arwaaxda muuminiintu. Waa jannada uu u hoydo malag Jibriil iyo malaa'igta kale.

Eebbe markii uu ka warramay geedka gobka ah (sidrat al-muntahaa) ee ku yaalla cirka toddobaad, wuxu yidhi:

 (عِندَهَا جَنّةُ الْمَأْوَىَ (النجم - 15)

15. Agtiisa waxa ku taalla jannada hoyashada.

Mar kale Eebbe wuxu yidhi:

وَأَمّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبّهِ وَنَهَى النّفْسَ عَنِ الْهَوَىَ * فَإِنّ الْجَنّةَ هِيَ الْمَأْوَىَ [النازعات 40: 41 ]

40. Ciddii ka baqata meeqaamka Rabbigeed, naftana u diida hawaraacnimada.

41. Hoygeedu waa jannada.

5. Jannooyinka Negaanshaha (جنات عدن)

Kani waa magac guud oo jannooyinka oo dhan loo yaqaanno. Waa tilmaanta in jannooyinku yihiin meel la degayo, la joogayo, oo weligood lagu waarayo.

Wuxuu Eebbe yidhi:

جَنّاتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا يُحَلّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَلُؤْلُؤاً وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ [ فاطر: 33]

33. Jannooyinka negaanshaha ayay gelayaan, waxaana lagu qurxinayaa shuulliyo dahab ah, iyo kuwo luul ah, dharkooduna waa xariir.

Mar kale wuxu yidhi:

جَنّاتِ عَدْنٍ الّتِي وَعَدَ الرّحْمَـَنُ عِبَادَهُ بِالْغَيْبِ إِنّهُ كَانَ وَعْدُهُ مَأْتِيّاً [مريم: 61]

61. Waa jannooyinka negaadiga ee uu ugu ballanqaaday Naxariistaagu addoomiisa qaybka, ballankiisuna waa mid imanaya.

6. Hoyga Nolosha (دار الحيوان)

Jannadu waa hoyga nolosha joogtada ah, ee aan laga dhimanayn. Sidaas ayuu Eebbe ugu bixiyay hoyga nolosha.

Eebbe wuxuu yidhi:

وَإِنّ الدّارَ الاَخِرَةَ لَهِيَ الْحَيَوَانُ لَوْ كَانُواْ يَعْلَمُونَ [العنكبوت: 64]

64. Hoyga aakhiro ayaa isagu ah hoyga nolosha haddii ay ogaan lahaayeen.

7. Jannada Bustaanley (الفردوس)

In badan ayaad maqashey jannada fardawsa, haddaba macnaheedu waa bustaanka geedihiisa khudraddu isku marmeen, sida cinabka.

Wuxu yidhi Eebbe, isaga oo ka warramaya rumeeyayaasha (muuminiin):

أُوْلَـَئِكَ هُمُ الْوَارِثُونَ *  الّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ [المؤمنون 10: 11]

10. Kuwaasi waa dhaxlayaasha.

11. Waa kuwa dhaxlaya jannada bustaaanley, ee dhexeeda ku waaraya.

8. Jannada Nimcooyinka (جنات النعيم)

Kanna waa magac kale oo dhammaan jannooyinka sifaynaya. Waa jannooyin leh wax kasta oo lagu nimcaysto sida cunto, cabbitaan, dhar, muuqaallo qurxoon, caraf, guryo iyo dhammaan nimcooyinka muuqda iyo kuwa dahsoon.

Eebbe wuxuu yidhi:

إِنّ الّذِينَ آمَنُواْ وَعَمِلُواْ الصّالِحَاتِ لَهُمْ جَنّاتُ النّعِيمِ) [لقمان: 8]

8. Kuwa [Eebbe] rumeeyay ee shaqooyinka wanaagsanna qabtay, waxay leeyihiin jannooyinka nimcooyinka badan.

Gunaanadkii, innaga waalidiinteenna iyo dadka aynu jecel nahayba Ilaahay ha inagu kulmiyo jannaayinka nimcada.


...................

abwaan cali ileeye

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.