Type Here to Get Search Results !

Magacyada Naarta oo af Soomaali ah



Magacyada Naarta oo af Soomaali ah

Magacyada naarta ee Quraanka ku soo arooray, waa siddeed. Waa kuwan iyaga oo aan af soomaali u rogay.

1. Haadaan (الهاوية)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka hal mar oo kali ah, kaasina waa hadalka Eebbe ee ah: 

《Ciddii uu miisaankeedu fududaado * Hooyadeed waa Haadaan * Oo maxaad ka taqaannaa iyada * Waa naar kulul》 [al–Qaarica: 8 - 11]

﴿ وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ * فَأُمُّهُ هَاوِيَةٌ * وَمَا أَدْرَاكَ مَا هِيَهْ * نَارٌ حَامِيَةٌ ﴾ [القارعة: 8 - 11]

Haadaantuna waa wax kasta oo lagu hoobto oo aan salkiisa la gaadhayn.

2. Holacdheer (اللظي)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka hal mar oo kali ah, kaasina waa hadalka Eebbe ee ah: 《Maya e, iyadu waa Holacdheer * waxaanay diirataa hilibka.》 [al-Macaarij: 15 - 16]

﴿ كَلَّا إِنَّهَا لَظَى * نَزَّاعَةً لِلشَّوَى ﴾[المعارج: 15، 16]

Holacu waa ololka sooca ah.

3. Baacdheer (جهنم)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka in ka badan 70 jeer. Waxa ka mid ah hadalka Eebbe: 《Kuwii ciqaabay ragga iyo dumarka muuminiinta ah, ee kadibna aan toobbad keenin waxa hurran cadaabta Baacdheer, waxaanay leeyihiin cadaabta dabka》 [al-Buruuj: 10]

﴿ إِنَّ الَّذِينَ فَتَنُوا الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ الْحَرِيقِ ﴾ [البروج: 10]

Carabtu ceelka gunta dheer ayay dhahdaa al-Jihnaam ama jahanam.

4. Burburiya (الحطمة)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka laba jeer. Waxaan ka mid  ah hadalka Ilaahay ee ah: 《Sidaas ma ah, ee waxa la dhunbin doonaa Burburiya * Oo maxaad ka taqaannaa Burburiya? * Waa naarta Ilaahay ee shidan * Taas oo qalbiyada gaadha》[al–Humaza: 4 - 7]

﴿ كَلَّا لَيُنْبَذَنَّ فِي الْحُطَمَةِ * وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحُطَمَةُ * نَارُ اللَّهِ الْمُوقَدَةُ * الَّتِي تَطَّلِعُ عَلَى الْأَفْئِدَ ﴾ [الهمزة: 4 - 7]

Magacu salkiisu waa burburin.

5. Hura (الجحيم)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka in ka badan 23 jeer. Waxa ka mid ah hadalka Ilaahay ee ah: 《Ciddii faaqda * Ee nolosha adduunyada doorata * hoygeedu waa Hura》[al-Naazicaad: 37 - 39]

﴿ فَأَمَّا مَنْ طَغَى * وَآثَرَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا * فَإِنَّ الْجَحِيمَ هِيَ الْمَأْوَى  ﴾ [النازعات: 37 - 39]

Erayga asalkiisu waa huritaanka dabka iyo kulaylkiisa.

6. Guba (سقر)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka in ka badan 4 jeer. Waxa ka mid ah hadalka Ilaahay, marka ay muuminiintu dadka naarta waraysanayaan:《Maxaa idin geliyay Guba? * Waxay yidhaahdeen maannaan tukan jirin》 [Mudathir: 42 -43]

﴿ عَنِ الْمُجْرِمِينَ * مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ * قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ ﴾

Ilaahay wuxuu ku sheegay Guba inay tahay naar aan laf iyo jiidh midkoodna reebayn.

7. Balbala (السعير)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka in ka badan hal jeer. Waxa ka mid ah hadalka Ilaahay ee ah: 《Waxay qirteen danbigoodii, ee hoog waxa leh xerta Balbala.》 [al-Mulk 11]

 ﴿ فَاعْتَرَفُوا بِذَنْبِهِمْ فَسُحْقًا لِأَصْحَابِ السَّعِيرِ ﴾

Balbalku waa oogmidda dabka.

8. Xabisa (سجين)

Magacani wuxuu ku soo arooray Quraanka in ka badan 2 jeer.

﴿ كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ * وَمَا أَدْرَاكَ مَا سِجِّينٌ * كِتَابٌ مَرْقُومٌ ﴾ [المطففين: 7 - 9]

Waxaan filayaa haddii Soomaalida marka Quraanka la dhigayo magacyada naarta af Soomaali loogu sheegi lahaa inay ku waano qaadan lahaayeen. Isku si uma dareemaysid marka lagu yidhaahdo naarta Saciira ayuu gelayaa qofkii danbigaa sameeyaa iyo naarta Balbala ayuu galayaa. Ta danbe ayaa saamayn badan.

Illaahay innaga, waalidiinteena iyo ummadda muslinka ahba naarta ha ka xorreeyo.


.............

abwaan cali ieeye 

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.