𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐋𝐚 𝐒𝐮𝐠𝐚𝐲𝐨
Waa hoggaamiye wanaagsan oo soo baxaya marka dhulka laga buuxiyo dulmi iyo xumaan, si uu ugu soo dabbaalo caddaalad iyo sama
an. Waxa ka raalli noqonaya noolaha dhulka iyo noolaha cirka. Arliguna wuxuu u barwaaqoobayaa, si aan weligeed hore loo arag.
Waxa soo degaya xilligiisa Ciise ina Maryan (cs), oo ku dabo tukanaya. Waa isla marka uu Dajaal Cawar dilayo. Wuxuu taliska Islaamka haynayaa ugu badnaan sagaal sanno, oo uu calanka Islaamku dunida oo dhan ka babban doono. Kani waa Mahdiga la sugayo.
𝟏. 𝐖𝐚𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢𝐠𝐮?
Mahdiga, magaciisa oo dhammaystirani waa Maxamed ibnu Cabdillaahi. Waxa uu la magac yahay nebi Maxamed (scw), waxaanu ka soo jeedaa tafiirtiisa. Waxa uu ku abtirsadaa Xasan ibnu Cali ibnu Abii Daalib (rc), oo ah wiilkii ay dhaleen Cali binu Abii Daalib iyo Faadumo Rasuul, Nebiguna (scw) uu awowga u ahaa.
Nebigu (scw) wuxuu yidhi, "𝗫𝗮𝘁𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗵𝗶𝗻 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗸𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗺𝗼𝗼𝘆𝗮𝗮𝗻𝗲, 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 𝘄𝘂𝘂 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿𝗮𝘆𝗻 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝘀, 𝘀𝗶 𝘂𝘂 𝘂 𝘀𝗼𝗼𝘀𝗮𝗮𝗿𝗼 𝗻𝗶𝗻 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗲𝗵𝗹𝘂-𝗯𝗮𝘆𝗱𝗸𝗮𝘆𝗴𝗮, 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗶𝗶𝘀𝘂 𝗹𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮𝘆𝗴𝗮, 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮 𝗮𝗮𝗯𝗯𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻𝗮 𝗹𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮 𝗮𝗮𝗯𝗯𝗮𝗵𝗮𝘆. 𝗞𝗮𝗮𝘀 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗸𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮 𝘅𝗮𝗾𝘀𝗼𝗼𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱, 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗱𝘂𝗹𝗺𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝘂𝘂𝗱𝘀𝗶."¹
Nebigu (scw) wuxuu mar kale yidhi, ''𝗠𝗮𝗵𝗱𝗶𝗴𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝘁𝗮𝗳𝗶𝗶𝗿𝘁𝗮𝘆𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗮 𝘂𝗯𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗙𝗮𝗮𝗱𝘂𝗺𝗼." ²
Cali binu Abii Daalib (rc), oo isaguna ammaanaya wiilkiisa Xasan (rc), ayaa yidhi, "𝙒𝙞𝙞𝙡𝙠𝙖𝙮𝙜𝙖𝙣𝙞 𝙬𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙮𝙞𝙙, 𝙨𝙞𝙙𝙞𝙞 𝙪𝙪 𝙉𝙚𝙗𝙞𝙜𝙪 (𝙨𝙘𝙬) 𝙠𝙪 𝙢𝙖𝙜𝙖𝙘𝙖𝙖𝙗𝙖𝙮. 𝙏𝙖𝙜𝙤𝙤𝙜𝙩𝙞𝙞𝙨𝙖𝙣𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖 𝙠𝙖 𝙨𝙤𝙤 𝙗𝙞𝙭𝙞 𝙙𝙤𝙤𝙣𝙖, 𝙣𝙞𝙣 𝙡𝙚𝙝 𝙢𝙖𝙜𝙖𝙘𝙖 𝙉𝙚𝙗𝙞𝙜𝙞𝙞𝙣𝙖, 𝙤𝙤 𝙖𝙠𝙝𝙡𝙖𝙖𝙦𝙙𝙖 𝙪𝙜𝙖 𝙚𝙚𝙜, 𝙗𝙖𝙡𝙨𝙚 𝙖𝙗𝙪𝙪𝙧𝙩𝙖 𝙠𝙖 𝙙𝙪𝙬𝙖𝙣; 𝙠𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝙙𝙝𝙪𝙡𝙠𝙖 𝙠𝙖 𝙗𝙪𝙪𝙭𝙞𝙣 𝙙𝙤𝙤𝙣𝙖𝙖 𝙘𝙖𝙙𝙙𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙." ³
Sida kale Nebigu (scw) wuxuu yidhi, "𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗮𝘆𝗮 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝘆𝗲 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘂 𝘅𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗯𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮, 𝗲𝗲 𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝘁𝗶𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝗻." ⁴ Sida oo kale wuxuu yidhi, "𝗞𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳𝘆𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗸𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘅𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗯𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝘅𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗯𝗼, 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗶𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝗻 𝘁𝗶𝗿𝗶𝗻."⁵
Abuur ahaan, sifooyinka jidheed ee Mahdiga ee soo arooray waxa ka mid ah inuu yahay nin salxamo leh, oo sandheer.⁶
𝟐. 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢𝐠𝐚
Nimcaan binu Bashiir – Alle raalli haka noqdee, wuxu yidhi: ‘’Waxaanu fadhinay masaajidka, kadib waxa noo yimi Abu Saclaba al-Khashani , oo yidhi: 'Bashiir binu Sacadoow miyaad qaybsan tahay xadiiskii uu Nabigu kaga warramay Talisyada [al-Umaraa].' Kadib Xudayfa ayaa yidhi: 'Aniga ayaa qaybsan khudbaddii Nabiga.' Abu Saclaba wuu fadhiistay. Kadib, Xudayfa ayaa yidhi: 'Wuxuu yidhi Nabigii Illaahay: ''[𝗞𝗮𝗹𝗸𝗮] 𝗡𝗮𝗯𝗶𝗻𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝘂 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗱𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗷𝗶𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘂𝘂 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗼; 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳𝗻𝗶𝗺𝗼 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗰𝗼𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗯𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗶𝗻𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮, 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘂𝘂 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝗷𝗶𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮; 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝘄𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮 𝗯𝗼𝗾𝗼𝗿𝘁𝗼𝗼𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗻𝗶𝗶𝗻𝘀𝗮𝗻 [𝗸𝘂𝗿𝘀𝗶𝗴𝗮], 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝗷𝗶𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮; 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮 𝘅𝘂𝗸𝘂𝗻 𝗷𝘂𝗷𝘂𝘂𝗯 𝗮𝗵 [𝗗𝗮𝗮𝗾𝘂𝘂𝗱/𝗗𝗶𝗴𝘁𝗮𝘆𝘁𝗮𝗿/𝗤𝗮𝘀𝗮𝗯/𝗞𝗲𝗹𝗶𝘁𝗮𝗹𝗶𝘀] 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘂𝘂 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮; 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳𝗻𝗶𝗺𝗼 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗰𝗼𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗯𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗶𝗻𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝘂𝘂 𝗮𝗮𝗺𝘂𝘀𝗮𝘆.'' ⁷
Xadiisyo kale oo Nebiga (scw) laga weriyay ayaa macnaha xadiiska sare waafqsan, kuwaas oo ka warramaya odoroska talisyada Islaamka. Wuxuu sheegay Nebigu (scw) inay isaga ka danbayn doonaan khaliifyo, kadibna ay ku xigi doonaan amiirro, kadibna ay ku xigi doonaan boqorro, kadibna ay ku xigi doonaan kelitalisyo (jabaabiro), kadibna ay ku xigi doonaan khaliifyo.
Xadiisyadan marka la dhuuxno, waxa la soo saari karaa shanta xilli ee uu Nabigu (scw) ka warramay, illaa maanta inta dhacday iyo inta soo socota.
B- 𝙏𝙖𝙡𝙞𝙨𝙠𝙖 𝙉𝙖𝙗𝙞𝙣𝙣𝙞𝙢𝙖𝙙𝙖. Waa muddadii uu noolaa Nabi Maxammed (scw) ee uu isagu ahaa hoggaamiyaha ummadda Islaamka.
T. 𝙏𝙖𝙡𝙞𝙨𝙠𝙞𝙞 𝙠𝙝𝙞𝙡𝙖𝙖𝙛𝙖𝙙𝙖. Waa xilligii ay talinayeen afartii khaliif ee hanuunsanaa: oo kala ahaa: Abu Bakar, Cummar, Cismaan iyo Cali . Muddada ay talinayeen waxay ku sinnayd 30 sanno. Waa kalka khaliifnimo ku socota dhabbada nebinnimada.
J. 𝘽𝙤𝙦𝙤𝙧𝙩𝙤𝙤𝙮𝙤 𝙠𝙪𝙧𝙨𝙞𝙜𝙖 𝙦𝙖𝙣𝙞𝙞𝙣𝙨𝙖𝙣. Xilligii Nabiga iyo afartii khaliif ee dhabbadiisa ku socda markii uu dhammaaday, waxa dhashay boqortooyadii ugu horreysay ee taliska Islaamka qabsata, oo ahayd taliskii Umawiyiinta. Sidaas ayaa ay taliska Islaamka qoysas keliyi isugu soo dhiidhiibayeen sida Cabbaasiyiinta, Faadumiyiinta, Ayuubiyiinta Iqk. waxa ugu danbeeyay boqortooyooyinkan Cismaaniyiintii Turkida ahaa, oo qarni laga joogo dhicitaankeedii. Kalkani waa kalkii amiirrada iyo boqorrada.
X. 𝙓𝙪𝙠𝙪𝙣 𝙦𝙖𝙨𝙖𝙗 𝙖𝙝. Shariif Xuseen kacdoonkii uu bilaabay 1916-kii ee loo yaqaannay ‘Kacdoonkii Carabta ee Weynaa’ waa kii kaga saaray Cusmaaniyiinta Jasiiradda Carabta. Intaa kadib waxa dhacay heshiiskii Saykis-Biiko oo lagu sameeyay inta badan xuduudaha Bariga Dhexe iyo dawlahada qawmiga ah. Gumaysiga kadib talisyadii dhashay waxay ahaayeen diktaytarro iyo boqortooyooyin bulshadooda gacan bir ah iyo xeerar macmal ah ku maamula. Weli talisyadaas ayaa dunida Islaamka ka jira.
Haddaba, kacdoonkii waddamada Carabta ka bilaabmay 2011-kii, ee loo bixiyay ‘Gu’ga Carabtu’ waxa uu meesha ka saaray talisyo badan oo sallid ah, kuwo kalena waa uu gilgilay. In kasta oo kacdoonkaas markii danbe la mijoxaabiyay, haddana waxa dunida Islaamka weli ka socda kacdoonno hoose iyo guux isbeddeldoon. Waayo, talisyada sallidka ahi markii ay jiidhkii dalalka dhammeeyeen, hadda waxay ruugayaan lafihii, kalkooduna waa gegagebo. Haddaba maxaa xiga iyaga?
Xudayfa (rc) wuxuu yidhi: 'Waxaan maqlay Rasuulka (scw) oo leh, "𝗛𝗼𝗼𝗴 𝗯𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝗱𝗵𝗮𝗻𝘀𝗶𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗯𝗼𝗾𝗼𝗿𝗿𝗼 𝘀𝗮𝗹𝗹𝗶𝗱𝘆𝗼 𝗮𝗵𝗶. 𝗪𝗮𝘆 𝗱𝗶𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻, 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝘆 𝗰𝗮𝗯𝘀𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗻𝘀𝗮𝗻, 𝗾𝗼𝗳𝗸𝗶𝗶 𝗺𝘂𝘂𝗷𝗶𝘆𝗮 𝗱𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗺𝗼𝗼𝘆𝗮𝗮𝗻𝗲. 𝗠𝘂𝘂𝗺𝗺𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗿𝘀𝗮𝗻𝗶, 𝗮𝗳𝗴𝗼𝗯𝗮𝗮𝗱𝘀𝗶 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗸𝘂𝗹𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝗾𝗮𝗹𝗯𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗼𝗿𝗱𝗮𝘆𝗮𝗮. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗮𝗯𝗮, 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 (𝘀𝘄) 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗜𝘀𝗹𝗮𝗮𝗺𝗸𝗮 𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗰𝗲𝗹𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳𝗸𝗶𝗶𝘀𝗶𝗶, 𝗱𝗵𝗮𝗯𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗷𝗲𝗯𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗹𝗹𝗶𝗱 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅'𝗮𝗱𝗮𝗴. 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼, 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗱𝗶𝗯 𝘂 𝗵𝗮𝗴𝗮𝗮𝗷𝗶𝘆𝗼 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝗿𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝘆. 𝗫𝘂𝗱𝗮𝘆𝗳𝗼𝗼𝘄, 𝘅𝗮𝘁𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗵𝗶𝗻 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗸𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗺𝗼𝗼𝘆𝗮𝗮𝗻𝗲, 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 𝘄𝘂𝘂 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿𝗮𝘆𝗻 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝘀, 𝘀𝗶 𝘂𝘂 𝘂 𝗺𝘂𝗹𝗸𝗶𝘆𝗼 𝗻𝗶𝗻 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗲𝗵𝗹𝘂-𝗯𝗮𝘆𝗱𝗸𝗮𝘆𝗴𝘂. 𝗞𝗮𝗮𝘀 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗵𝗶𝗹𝗯𝗮𝘄𝗮𝗱𝗵𝗸𝘂 𝗴𝗮𝗰𝗺𝗶𝗵𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮𝗻, 𝗜𝘀𝗹𝗮𝗮𝗺𝗸𝗮𝗻𝗮 𝗺𝘂𝘂𝗷𝗶𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮. 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗺𝗮 𝗯𝘂𝗿𝗶𝘆𝗼, 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗶𝗶𝘀𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗱𝗲𝗴"⁸
Sida oo kale waxa laga weriyay abi Saciid (rc) inuu yidhi, Rasuulku wuxuu yidhi, "𝗨𝗺𝗺𝗮𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗮𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝘂-𝘀𝗮𝗯𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗹𝗮𝗮𝘆𝗼 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝗵𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮, 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝗱𝗼𝗼𝗱𝗮, 𝗵𝗲𝗲𝗿 𝘂𝘂 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝘂 𝗰𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵𝗶 𝗸𝘂 𝗻𝗼𝗾𝗱𝗼. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗻𝗶𝗻 𝘁𝗮𝗳𝗶𝗶𝗿𝘁𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗮𝗾𝘀𝗼𝗼𝗿, 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗱𝘂𝗹𝗺𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝘂𝘂𝗱𝘀𝗶 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝘆𝗮𝘆. 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗿𝗮𝗮𝗹𝗹𝗶 𝗸𝗮 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗰𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗴𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝘂𝘄𝗮 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗴𝗮𝗻. 𝗗𝗵𝘂𝗹𝗸𝘂𝗻𝗮 𝗺𝗮 𝗸𝗮𝘆𝗱𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗶𝗻𝗶𝗶𝗻 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮𝘆, 𝗲𝗲 𝘄𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮; 𝗰𝗶𝗿𝗸𝘂𝗻𝗮 𝗺𝗮 𝗵𝗮𝗸𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗰𝗶𝗵𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝗲𝗲 𝘄𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗵𝘂𝗯𝗮𝘆𝗮𝗮. .''⁹
𝟑. 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐡𝐮𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐧
Khuraasaan, oo ah Afgaanistaan iyo gobollada ku xeerani, kaalin weyn ayay ku leeyihiin guud ahaan dhacdooyinka aakhirusabaanka, gaar ahaanna ta Mahdiga. Nebigu (scw) wuxu yidhi, " 𝗗𝗮𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗶, 𝗸𝘂𝘄𝗮𝗮𝘀 𝗼𝗼 𝘂 𝗴𝗼𝗴𝗼𝗹𝘅𝗮𝗮𝗱𝗵𝗮𝘆𝗮 [𝘁𝗮𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮] 𝗠𝗮𝗵𝗱𝗶𝗴𝗮.''¹⁰
Sida oo kale Nebigu (scw) wuxu yidhi, "𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗿𝗮𝗴𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗰𝗮𝗹𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗱𝗼𝘄 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘆𝗶𝗺𝗶 𝗱𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗞𝗵𝘂𝗿𝗮𝗮𝘀𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝘁𝗮𝗴𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝗮 𝗸𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳𝗸𝗶𝗶 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝗲𝗲 𝗠𝗮𝗵𝗱𝗶𝗴𝗮."¹¹ Mar kale Nebigu (scw) wuxu yidhi, "𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮 𝗞𝗵𝘂𝗿𝗮𝗮𝘀𝗮𝗮𝗻 𝗰𝗮𝗹𝗮𝗺𝗺𝗼 𝗺𝗮𝗱𝗼𝘄, 𝘄𝗮𝘅 𝗵𝗼𝗿 𝗶𝘀𝘁𝗮𝗮𝗴𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗺𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗮𝘆 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝘀𝗵𝘂𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗜𝗶𝗹𝗶𝘆𝗮 (𝗤𝘂𝗱𝗱𝘂𝘀)"¹²
Isaga oo ka hadlaya qolooyinkan calamada madow, Ibnu Kathiir, wuxuu ku yidhi buuggiisa al-Bidaaya wa al-Nihaaya, "𝘾𝙖𝙡𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖𝙣𝙞 𝙢𝙖 𝙖𝙝𝙖 𝙠𝙪𝙬𝙞𝙞 𝙪𝙪 𝙬𝙖𝙩𝙖𝙮 𝘼𝙗𝙪 𝙈𝙪𝙨𝙡𝙞𝙣 𝙖𝙡-𝙆𝙝𝙪𝙧𝙖𝙖𝙨𝙖𝙖𝙣𝙞, 𝙚𝙚 𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙟𝙚𝙗𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙙𝙖𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙞𝙞 𝙐𝙢𝙖𝙬𝙞𝙮𝙞𝙞𝙣𝙩𝙖, 𝙨𝙖𝙣𝙣𝙖𝙙𝙠𝙞𝙞 132 𝙃. 𝘽𝙖𝙡𝙨𝙚 𝙬𝙖𝙖 𝙘𝙖𝙡𝙖𝙢𝙤 𝙢𝙖𝙙𝙤𝙬 𝙤𝙤 𝙠𝙖𝙡𝙚, 𝙤𝙤 𝙡𝙖 𝙨𝙤𝙘𝙙𝙖 𝙭𝙞𝙡𝙡𝙞𝙜𝙖 𝙈𝙖𝙝𝙙𝙞𝙜𝙖. 𝙄𝙨𝙖𝙜𝙪𝙣𝙖 𝙬𝙖𝙖 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙞𝙗𝙣𝙪 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙞𝙡𝙡𝙖𝙖𝙝𝙞, 𝙤𝙤 𝙖𝙝 𝘾𝙖𝙡𝙖𝙬𝙞, 𝙁𝙖𝙖𝙙𝙪𝙢𝙞 𝙖𝙝 𝙤𝙤 𝙩𝙖𝙛𝙞𝙞𝙧𝙩𝙞𝙞 𝙓𝙖𝙨𝙖𝙣 𝙖𝙝 (𝙧𝙘). 𝙀𝙚𝙗𝙗𝙚 𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙝𝙖𝙗𝙚𝙚𝙣 𝙦𝙪𝙙𝙝𝙖 𝙝𝙖𝙜𝙖𝙖𝙟𝙞𝙣𝙖𝙮𝙖; 𝙩𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝙠𝙖 𝙙𝙝𝙞𝙜𝙖𝙣 𝙞𝙣𝙪𝙪 𝙠𝙖 𝙩𝙤𝙤𝙗𝙗𝙖𝙙 𝙖𝙦𝙗𝙖𝙡𝙖𝙮𝙤, 𝙤𝙤 𝙠𝙝𝙖𝙮𝙧𝙠𝙖 𝙬𝙖𝙖𝙛𝙖𝙟𝙞𝙣𝙖𝙮𝙤, 𝙤𝙤 𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙞𝙡𝙝𝙖𝙖𝙢𝙞𝙣𝙖𝙮𝙤 𝙝𝙖𝙜𝙖𝙖𝙜𝙜𝙖, 𝙠𝙖𝙙𝙞𝙗 𝙢𝙖𝙧𝙠𝙞𝙞 𝙖𝙖𝙣𝙪 𝙨𝙞𝙙𝙖𝙖𝙨 𝙖𝙝𝙖𝙮𝙣 𝙢𝙖𝙧𝙠𝙞𝙞 𝙝𝙤𝙧𝙚. 𝙒𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙀𝙚𝙗𝙗𝙚 𝙠𝙪 𝙭𝙤𝙤𝙟𝙞𝙣𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙙𝙖𝙙 𝙧𝙚𝙚𝙧 𝙗𝙖𝙧𝙞 𝙖𝙝, 𝙤𝙤 𝙪 𝙜𝙖𝙧𝙜𝙖𝙖𝙧𝙖𝙮𝙖, 𝙤𝙤 𝙩𝙖𝙡𝙞𝙨𝙠𝙞𝙞𝙨𝙖𝙣𝙖 𝙞𝙨𝙩𝙖𝙖𝙟𝙞𝙣𝙖𝙮𝙖, 𝙠𝙪𝙬𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝙘𝙖𝙡𝙖𝙣𝙠𝙤𝙤𝙙𝙪 𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙢𝙖𝙙𝙤𝙬."
𝟒. 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐣𝐚𝐚𝐬
Xilliga ay calamada madoobi ka imanayaan Khuraasaan, waxay ku beegan tahay kol uu qalalaase siyaasadeed ka jiro Xijaas (Sucuudiga). Nin khaliif ama boqor ah ayaa dhimanaya, kadibna saddex nin oo ilmo boqor ah ayaa ku loolamaya kursiga, kadibna midkoodna ma hantiyayo.
Saxaabiga weyn ee Thawbaan (rc) waxa laga weriyay inuu yidhi, Nebigu (scw) wuxu yidhi, "𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗹𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗞𝗶𝗻𝘇𝗶𝗴𝗶𝗶𝗻𝗮* 𝗮𝗴𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅, 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱 𝗶𝗹𝗺𝗮 𝗯𝗼𝗾𝗼𝗿 𝗮𝗵, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗺𝗶𝗱𝗸𝗼𝗼𝗱𝗻𝗮 𝗺𝗮 𝗵𝗮𝗻𝘁𝗶𝘆𝗮𝘆𝗼. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗰𝗮𝗹𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗱𝗼𝘄 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗶, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻 𝗱𝗶𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗶 𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗲𝗹𝗶𝗴𝗲𝗲𝗱 𝗰𝗶𝗱 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗹𝗶𝗻. –𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝘄𝗮𝘅 𝗮𝗮𝗻 𝗵𝗶𝗹𝗺𝗮𝗮𝗺𝗮𝘆 –𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, '𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗿𝗮𝗴𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝘆𝗰𝗮𝗱𝗮 𝘀𝗶𝗶𝘆𝗮, 𝘅𝗮𝘁𝗮𝗮 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗯𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗴𝘂𝗿𝗴𝘂𝘂𝗿𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝘄𝗮𝗮 𝗸𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳𝗸𝗶𝗶 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝗠𝗮𝗵𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗲."¹³
Ibnu Kathiir, wuxu ku sheegay buuggiisa ''Al-Nihaaya'' in kinziga xadiiska ku jira looga jeedo kacbada. Fahankan wuxuu ka qaatay xadiiska kale ee sheegaya inuu kinziga kacbada burburin doono Dul Suwayqataynka Xabashiga ahi.
Mar kale Nebigu (scw) wuxuu sheegay in uu masaajidka u irkanayo NIN. Ninkaas oo ay soo weerarayaan qaar ummaddiisa ka mid ahi, oo Shaam ka imanayaa. Kadibna marka ay marayaan meel ban ah dhulka lala goyn doono.
Wuxu yidhi (scw): ''𝗞𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗻𝗶𝗻 𝗸𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳 𝗮𝗵𝗶 𝗱𝗵𝗶𝗻𝘁𝗼, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗻𝗶𝗻 𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗠𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗮 𝗮𝗵 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗸𝗮. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘂 𝗶𝗺𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗮𝗱 𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗠𝗮𝗸𝗮 𝗮𝗵, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗻𝗲𝗰𝗯𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆 𝗯𝗮𝘆𝗰𝗮𝗱𝗮 𝗸𝘂 𝘀𝗶𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝘂 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗿𝘂𝗴𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗾𝗮𝗮𝗺𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗰𝗯𝗮𝗱𝗮. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗴𝘂𝗹𝘂𝗳 𝗸𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗮𝗺, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗮 𝗷𝗮𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗯𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘂 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗲𝗲𝘆𝗮 𝗠𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗸𝗮."¹⁴
Ciidanka Shaam oo dhulka lala gooyaa, waa astaanta ugu weyn ee muujinaysa in ninka Maka baycada lagu siiyay uu yahay Mahdigii dhabta ahaa. Nebigu (scw) wuxu yidhi, "𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝗱𝘂𝘂𝗹𝗮𝘆𝗮 𝗞𝗮𝗰𝗯𝗮𝗱𝗮, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝘆 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗵𝘂𝗹 𝗯𝗮𝗻 𝗮𝗵, 𝗸𝘂𝘄𝗼𝗼𝗱𝗮 𝘂 𝗵𝗼𝗿𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝘂𝘄𝗼𝗼𝗱𝗮 𝘂 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗲𝗲𝘆𝗮𝗯𝗮 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗹𝗮 𝗷𝗮𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮."¹⁵
𝟓. 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐦
Sida aynu sare ku soo aragnay gulufka calamada madow ee Khuraasaan ka imanayaa waxay isku soo shubayaan Quddus. Sida oo kale Xijaasna qalalaase siyaasadeed ayaa ka dhacaya. Haddaba taliska Islaamku wuxuu u wareegayaa aakhirusabaanka Dhulka Barakaysan, ee Shaam. Markani waa marka ay Quddus cammirmayso, taas lidkeedana ay Madiina kharaabayso.
Nebigu (scw) wuxu yidhi, "𝗕𝗮𝘆𝘁𝘂𝗹 𝗠𝗮𝗾𝗱𝗮𝘀, 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗯𝗮𝘆𝗰𝗼 𝗵𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻 𝗮𝗵."¹⁶
Waxa laga weriyay Cabdallah binu Xawaala al-Azdi (rc) inuu yidhi, Rasuulka Ilaahay ayaa gacantiisa saaray madaxayga, kadibna yidhi, "𝗜𝗯𝗻𝘂 𝗫𝗮𝘄𝗮𝗮𝗹𝗼𝗼𝘄, 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗿𝗮𝗴𝘁𝗼 𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗲𝗴𝘁𝗮𝘆 𝗗𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗸𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻, 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗼𝘄𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗴𝗮𝗿𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗶𝗶, 𝗯𝗮𝗹𝗮𝗮𝘆𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗿𝗿𝗶𝗺𝗶𝗵𝗶𝗶 𝘄𝗮𝗮𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗮. 𝗦𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗾𝗶𝘆𝗮𝗮𝗺𝗲𝗻𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝗸𝗮𝗮𝘀 𝘄𝗮𝘆 𝘂𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗼𝘄𝗱𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮, 𝗴𝗮𝗰𝗮𝗻𝘁𝗮𝘆𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝗮𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗻.'' ¹⁷
Sida aynu sare ku xusnay Mahdigu (rc) wuxuu hoggaamin doonaa dagaallada Hilbwadhadka ee aakhirusabaanka, saldhiggiisuna waa Shaam. Nebigu (scw) wuxu yidhi, "𝗧𝗮𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗺𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗶 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗛𝗶𝗹𝗯𝗮𝘄𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗸𝗮 (𝗮𝗹-𝗠𝗮𝗹𝘅𝗮𝗺𝗮) 𝘄𝗮𝗮 𝗤𝘂𝘂𝗱𝗮, 𝗼𝗼 𝘂 𝗱𝗵𝗼𝘄 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗹𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮𝗵𝗱𝗼 𝗗𝗶𝗺𝗶𝘀𝗵𝗶𝗾: 𝗼𝗼 𝗮𝗵 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗶𝗶𝗰𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗮𝗮𝗺."¹⁸
𝟔. 𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝
Markaynu ka dhinbiilqaadanno ilayska waxyiga, waxaynu ogaanaynaa inay ummadda Islaamku ku jirto, xilli kalaguur ah oo u dhexeeya xukunka kelitalisyada sallidka ah, iyo dhalashada khilaafada Islaamka. Waa laga yaabaa inay marxaladdani dheeraato, iyo inay soo gaabata.
Sida oo kale waxaynu fahmaynaa inaanay jirin khilaafo Mahdiga ka horreysaa. Waa laga yaabaa inay deegaanno iyo dalal gaar ah xukunno fiicani ka dhashaan, balse khilaafo guud oo ummadda ka dhaxaysaa Mahdiga kama horreyso. Waayo dulmiga iyo duudsigu marka uu cirka isku shareero ayuu soo baxayaa, haddii ay khilaafo jirtayna, dulmigu xadka kama uu baxeen.
Wuxu yidhi Nebigu (scw), "𝗞𝗮𝗺𝗮 𝘁𝗮𝗴𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗸𝗼𝗼𝘅 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵𝗶 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗾𝗮 𝗸𝘂 𝘁𝗮𝗮𝗴𝗻𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗶𝘆𝗮𝗮𝗺𝗲. 𝗪𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶: '𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗲𝗴𝗮𝘆𝗮 𝗖𝗶𝗶𝘀𝗲 𝗶𝗻𝗮 𝗠𝗮𝗿𝘆𝗮𝗻 (𝗰𝘀),'. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗮𝗺𝗶𝗶𝗿𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮, '𝗞𝗮𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗻𝗮 𝘁𝘂𝗸𝗶.' 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮, '𝗠𝗮𝘆𝗮. 𝗜𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝘀𝘂 𝗮𝗺𝗶𝗶𝗿𝗿𝗼 𝗮𝗵. 𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂𝘂𝘀𝗸𝗮 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 𝘀𝗶𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻.' "¹⁹
Sida oo kale Abi Saciid al-Khudri (rc) waxa laga weriyay inuu yidhi: Rasuulka Ilaahay ayaa yidhi, "𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻𝗸𝘂 𝗯𝘂𝘀𝗵𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗱𝗶𝗴𝗮. 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝘅𝗶𝗹𝗹𝗶 𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗱𝗸𝘂 𝗶𝘀-𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝘀𝗮𝗻 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻, 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗴𝗮𝗿𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗻𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗸𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘅𝗮𝗾𝘀𝗼𝗼𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱, 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗱𝘂𝗹𝗺𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝘂𝘂𝗱𝘀𝗶. 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗿𝗮𝗮𝗹𝗹𝗶 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗰𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗴𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗴𝗮𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 u 𝗾𝗮𝘆𝗯𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗶 𝘀𝗶𝗺𝗮𝗻. 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗾𝘂𝗹𝘂𝘂𝗯𝘁𝗮 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗻𝗲𝗯𝗶 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 (𝘀𝗰𝘄) 𝗵𝗼𝗱𝗮𝗻𝘁𝗶𝗻𝗶𝗺𝗼, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗱𝗲𝗲𝗾𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮..."²⁰
..............
abwaan cali ileeye