𝐃𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥 𝐂𝐚𝐰𝐚𝐫
Laga soo bilaabo abuurtii Aadan iyo illaa inta uu qiyaamuhu ka dhacayo, ma jirto shar ka weyn kiisa oo dunida soo maray ama soo marayaa. Ka bilaw Nuux (cs) oo, Rasuul kastaa ummadiisa wuu uga digay fidnadiisa, innagu waxaynu nahay ummaddii ugu danbaysay, ee uu ku soo baxayay.
Marka hore wuxuu sheeganayaa inuu yahay nebigii nebiyada ugu danbeeyay, kadibna wuxuu sheeganayaa inuu yahay Ilaah.
Kani waa qofka, maalin kasta shanta salaadood gadaashooda, aad Ilaahay ka barido inuu fidnadiisa kaa badbaadiyo. Kani waa Dajaal Cawar ama Masiixa foojariga ah.
Tiirarka iimaanka, ee caqiidada muslimiinta waxa ka mid ah rumaynta maalinta qiyaame. Maalinta qiyaamena waxay leedahay astaamo iyo tusmooyin ka horreeya oo lagu garto inay soo dhowaatay, kuwaas oo ah kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn. Haddaba astaamaha waaweyn waxa ka mid ah soo bixista Dajaal Cawar iyo soo degista Ciise ibnu Maryan (cs): Masiixa beenta ah iyo Masiixa runta ah.
𝗫𝘂𝗱𝗮𝘆𝗳𝗮 𝗯𝗶𝗻𝘂 𝗔𝘀𝗶𝗶𝗱 𝗮𝗹-𝗤𝗶𝗳𝗮𝗮𝗿𝗶, 𝘄𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶: ''𝗡𝗲𝗯𝗶𝗴𝗮 (𝘀𝗰𝘄) 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗮𝗻𝗻𝗮𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗸𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗻𝗮." 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, ''𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗸𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮𝗻?" 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮𝗵𝗱𝗲𝗲𝗻, "𝗦𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹𝗵𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆.'' 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗠𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗶𝘆𝗮𝗱𝘂, 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗲𝗲𝗱 𝗮𝗿𝗮𝗴𝘁𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗼𝗯𝗮𝗻 𝗮𝘀𝘁𝗮𝗮𝗺𝗼𝗼𝗱.'' 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆, " 𝗤𝗶𝗶𝗾𝗮 (𝗮𝗹-𝗱𝘂𝗸𝗵𝗮𝗮𝗻), 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹, 𝗱𝗮𝗮𝗯𝗯𝗮𝗱𝗮, 𝗾𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗴𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱, 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗲𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗖𝗶𝗶𝘀𝗲 𝗜𝗻𝗮 𝗠𝗮𝗿𝘆𝗮𝗺𝗮 (𝗰𝘀), 𝗬𝘂𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗮𝘆𝘂𝘂𝗴, 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗴𝗼': 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗴𝗼' 𝗯𝗮𝗿𝗶 𝗮𝗵, 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗴𝗼' 𝗴𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱 𝗮𝗵 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗴𝗼' 𝗷𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗮𝗵, 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗮𝗵 𝗱𝗮𝗯 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮 𝗬𝗮𝗺𝗮𝗻, 𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘂 𝗲𝗿𝘆𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 (𝗺𝗮𝘅𝘀𝗵𝗮𝗿𝗸𝗮)." ¹
𝟏. 𝐐𝐨𝐟𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥
Erayga (𝗱𝗮𝗷𝗮𝗹) asal ahaan afka Carabiga, 𝒘𝒂𝒂 𝒃𝒊𝒚𝒂𝒉𝒂 𝒅𝒂𝒉𝒂𝒃𝒌𝒂, 𝒅𝒂𝒉𝒂𝒂𝒅𝒉𝒌𝒂, 𝒅𝒉𝒆𝒆𝒉𝒂 𝒂𝒎𝒂 𝒊𝒔𝒌𝒖𝒅𝒂𝒓𝒌𝒂. Waa wax aan dhab ahayn, oo dheeh run u eeg la saaray. Markaa dajaal, waa cid ku xeeldheer beenta, dagista, marinhabaabinta, luminta iyo isku laaqista xaqa iyo baaddilka, heer xaqa baaddil loo arko, baaddilkana xaq loo maleeyo.
fidnada dajaalnimadu waa mid goob kasta iyo goor kasta jirta. Balse, Dajaal Cawar ama Masiixu al-Dajaal, waa hoggaamiyaha qarsoon ee fidnadaas, kaas oo soo baxaya aakhiru-sabaanka.
Dajaal waxa loogu bixiyay marinhabaabinta uu xaqa baaddilka ku qarinayo, iyo dagitaanka dadka ee uu gaalnimadiisa ka qarinayo. Masiixna waxa loogu bixiyay ishiisa ayaa masaxan, mar kalena wuxuu iska dhigayaa inuu yahay Masiixii dhabta ahaa, sida oo kale dhulka oo dhan ayuu gooshayaa. Cawarna waa astaan jidheed oo oogadiisa ka muuqata. 𝗡𝗲𝗯𝗶𝗴𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗠𝗮𝘀𝗶𝗶𝘅𝘂 𝗮𝗹-𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗹𝗮'𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗺𝗶𝗱𝗶𝗴. 𝗜𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮 𝗺𝗼𝗼𝗱𝗮𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗰𝗶𝗻𝗮𝗯 𝘀𝗼𝗼 𝗸𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻.'' ²
Mar kale Nebigu (scw) wuxuu yidhi, ''𝗡𝗲𝗯𝗶 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮𝗮 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝘂𝗴𝗮 𝗱𝗶𝗴𝗮𝘆 𝗰𝗮𝘄𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗯𝗲𝗲𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵. 𝗪𝗮𝗮𝗿 𝗵𝗼𝗼𝘆, 𝘄𝘂𝘂 𝗰𝗮𝘄𝗮𝗿𝗮𝗻 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝗥𝗮𝗯𝗯𝗶𝗴𝗶𝗶𝗻𝗻𝘂𝗻𝗮 𝗺𝗮 𝗰𝗮𝘄𝗮𝗿𝗻𝗮. 𝗟𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗶𝗻𝗱𝗵𝗼𝗼𝗱 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗱𝗼𝗼𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗾𝗼𝗿𝗮𝗻 𝗞.𝗙.𝗥. 𝗤𝗼𝗳 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝘂𝘀𝗹𝗶𝗻 𝗮𝗵𝗶𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆𝗮𝗮." ³
Jidh ahaan waa nin xoog weyn, gaaban, oo wegdo leh. Timihiisuna waa kuwo filiqsan, oo laamo geed la moodo.
𝟐. 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥
Saxaabiga la yidhaahdo Tamiin al-Daari, oo ahaan jiray kiristaan, ayaa markii uu Islaamay Nebiga (sc) uga sheekeeyay, in isaga iyo 30 nin oo tolkiisa ahi ay dooni fuuleen. Kadibna hirarka badda ayaa ku dheelay, heer ay asqoobeen. Bil kadib waxay ku xidheen jasiirad. Jasiiraddaas waxay kula kulmeen nin xayndaab ku jira. Kadib markii uu ka waraystay xaalka timirta Baysaan, biyaha harada Dabriya, biyaha isha Saqar, iyo nebiga Ummiyiintu inuu soo baxay iyo in kale, wuxuu ninkaasi u sheegay inuu yahay Dajaal Cawar, xilligii la sii dayn lahaana ay soo dhowaatay.
Sheekadaas Nebigu (scw) saxaabada inta uu isugu yeedhay, ayuu uga sheekeeyay, waxaanu xusay inay waafaqday wixii uu hore ugu sheegi jiray, ee ku saabsanaa Dajaal. ⁴
Mar kale, Nebigu (scw) wuxuu sheegay 𝒊𝒏𝒖𝒖 𝑫𝒂𝒋𝒂𝒂𝒍 𝒔𝒖𝒖𝒒𝒚𝒂𝒅𝒂 𝒔𝒐𝒄𝒅𝒂𝒚, 𝒄𝒖𝒏𝒕𝒂𝒏𝒂 𝒖𝒖 𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒏𝒌𝒂𝒂𝒔 𝒄𝒖𝒏𝒂𝒚. Taas oo ka dhigan inuu xilligii Nebiga bannaanka joogay. ⁵
Haddaba, haddii hore loogu maahmaahay, ''𝑫𝒉𝒖𝒍𝒌𝒂 𝒊𝒏𝒅𝒉𝒐𝒐𝒍𝒂𝒚𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂, 𝒌𝒂 𝒄𝒂𝒘𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒃𝒐𝒒𝒐𝒓 𝒌𝒂 𝒂𝒉.'' Dajaal wuxuu soo banbaxayaa xilli ay jirto diin yaraan badani. Waa xilli ay dadku mooggan yihiin warkiisa, culimaduna khudbadaha jimcaha aanay ku sheegin. Waa xilli ay kadeed iyo rafaad badan dadku ku jiraan, oo ay abaaro, cudurro, dagaallo iyo baahi badani jirto. Waa xilli baaddilka dheeh been ah lagu qurxiyay, oo ay dhalaalkiisa dad badani ku dagmayaan.
Wuxuu yidhi Nebigu (scw) "𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 𝘀𝗮𝗻𝗻𝗼 𝗼𝗼 [𝗮𝗯𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵]. 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗸𝗼𝗼𝘄𝗮𝗮𝗱 𝗰𝗶𝗿𝗸𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗵𝗮𝗸𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗼𝗼𝗱𝗼𝗼𝘄 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗶𝗰𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝘂𝗻𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗼𝗼𝗱𝗼𝗼𝘄 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮. 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱 𝗰𝗶𝗿𝗸𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗵𝗮𝗸𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗼𝗼𝗱𝗼𝗼𝘄 𝗹𝗮𝗯𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗼𝗼𝗱 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗶𝗰𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝘂𝗻𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗼𝗼𝗱𝗼𝗼𝘄 𝗹𝗮𝗯𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗼𝗼𝗱 𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮. 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗰𝗶𝗿𝗸𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗵𝗮𝗸𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗿𝗼𝗼𝗯𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝘂𝗻𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶𝘀𝗶𝗶. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗺𝗮𝘆𝗲𝗲𝗱𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝘄𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝗿𝗮𝗮𝗳 𝗹𝗶𝗵𝗶𝗶 𝘄𝘂𝘂 𝗹𝗲'𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮...''⁶
Astaamaha casriga Dajaal waxa ka mid ah 𝒈𝒆𝒃𝒊𝒅𝒉𝒂𝒄𝒍𝒂𝒚𝒏𝒕𝒂 𝒊𝒊𝒎𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂. Dadka maalinna tukada, maalinna salaadda ka seexda, kuwa habeenkii xumaanta walaaqda, maalintiinna toobbada la ooya, iyo kuwa ay fidnooyinku dhinac kasta daadkooda kaga soo faruurmeen, wax fidnadii Dajaal ka mid ah ayaa taabatay.
Cabdillaahi ibnu Cumar (rc) wuxu yidhi, Nebiga (scw) ayaanu ag fadhinay, kadibna wuxuu ka sheekeeyay fidnooyinka, illaa uu ka yidhi, "𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗳𝗶𝗱𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗱𝘂𝗴𝘂𝗹𝗼 (𝗮𝗹-𝗗𝘂𝗵𝗮𝘆𝗺𝗮𝗮) 𝗸𝗮𝗺𝗮 𝘁𝗲𝗴𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗾𝗼𝗳 𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵, 𝗲𝗲 𝗺𝗶𝗱 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝘄𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝗿𝗯𝗮𝗮𝘅𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗿𝗯𝗮𝗮𝘅𝗼. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮𝗵𝗱𝗼 𝘄𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆, 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗸𝗮 𝗳𝗶𝗱𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮. 𝗪𝗮𝗾𝘁𝗶𝗴𝗲𝗲𝗱𝗮, 𝗡𝗶𝗻𝗸𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘄𝗮𝗮𝗴𝘂 𝘂 𝗯𝗲𝗿𝘆𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝘂𝘂𝗺𝗺𝗶𝗻 𝗮𝗵, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗴𝗮𝗯𝗯𝗮𝗹𝗸𝘂 𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗹 𝗮𝗵, 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗱𝗸𝘂 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗯𝗮 𝗿𝗮𝗮𝗰: 𝗿𝗮𝗮𝗰 𝗶𝗶𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗼𝗼𝗰𝗮 𝗹𝗲𝗵, 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂𝗳𝗿𝗶𝗰𝗮𝗹𝗼𝗼𝗹𝗲𝗲𝗱 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝗶𝗻, 𝗶𝘆𝗼 𝗿𝗮𝗮𝗰 𝗸𝘂𝗳𝗿𝗶𝗰𝗮𝗹𝗼𝗼𝗹𝗲𝗲𝗱 𝗮𝗵, 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅 𝗶𝗶𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵 𝗹𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝘆 [𝗱𝗮𝗱𝗸𝘂] 𝘀𝗶𝗱𝗮𝗮𝘀 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻, 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗿𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝘀, 𝗮𝗺𝗮 𝗯𝗲𝗿𝗿𝗶𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮." ⁷
Astaamaha kale ee casriga Dajaal tilmaamaya waxa ka mid ah gudhista ceelalka iyo webiyada. Mar la weydiiyay xilliga uu soo banbaxyo Dajaal, Cali binu Abi Daalib (rc) wuxuu yidhi, ''𝑴𝒂𝒓𝒌𝒂 𝒖𝒖 𝒅𝒆𝒓𝒊𝒔𝒌𝒖 𝒖 𝒇𝒂𝒂𝒏𝒐 𝒅𝒆𝒓𝒊𝒔𝒌𝒊𝒊𝒔𝒂, 𝒆𝒆 𝒖𝒖 𝒌𝒂 𝒙𝒐𝒐𝒈𝒈𝒂 𝒍𝒊𝒉𝒊 𝒄𝒖𝒏𝒐 [𝒙𝒂𝒒𝒂] 𝒌𝒂 𝒍𝒂𝒄𝒊𝒊𝒇𝒌𝒂 𝒂𝒉, 𝒆𝒆 𝒓𝒊𝒙𝒊𝒎𝒌𝒂 𝒍𝒂 𝒈𝒐𝒐𝒚𝒐, 𝒆𝒆 𝒂𝒚 𝒅𝒂𝒅𝒌𝒖𝒏𝒂 𝒊𝒔𝒖 𝒌𝒉𝒊𝒍𝒂𝒂𝒇𝒂𝒂𝒏, 𝒔𝒊𝒅𝒂 𝒇𝒂𝒓𝒂𝒉𝒂𝒚𝒈𝒂𝒂𝒔 𝒂𝒂𝒏 𝒊𝒔 𝒅𝒉𝒆𝒙𝒈𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂𝒚.'' ⁸
Ibnu Cabbaas (rc) ayaa isna sida oo kale sheegay casriga Dajaal xilliga uu yahay. 𝑾𝒂𝒂 𝒙𝒊𝒍𝒍𝒊𝒈𝒂 𝒘𝒂𝒏𝒂𝒂𝒈 𝒇𝒂𝒓𝒊𝒔𝒕𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝒙𝒖𝒎𝒂𝒂𝒏 𝒓𝒆𝒆𝒃𝒊𝒔𝒕𝒂 𝒍𝒂𝒈𝒂 𝒕𝒂𝒈𝒐, 𝒆𝒆 𝒅𝒉𝒊𝒊𝒈𝒈𝒂 𝒍𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒚𝒂𝒍𝒔𝒂𝒅𝒐, 𝒆𝒆 𝒙𝒖𝒌𝒖𝒏𝒌𝒂 𝒍𝒂 𝒅𝒂𝒚𝒂𝒄𝒐, 𝒆𝒆 𝒓𝒊𝒃𝒂𝒅𝒂 𝒍𝒂 𝒄𝒖𝒏𝒐, 𝒆𝒆 𝒅𝒉𝒊𝒔𝒎𝒂𝒚𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂 𝒍𝒂 𝒕𝒂𝒂𝒈𝒐, 𝒆𝒆 𝒌𝒉𝒂𝒎𝒓𝒊𝒈𝒂 𝒍𝒂 𝒄𝒂𝒃𝒃𝒐, 𝒆𝒆 𝒂𝒅𝒅𝒐𝒐𝒎𝒐 𝒉𝒆𝒆𝒔𝒂 𝒍𝒂 𝒔𝒂𝒎𝒂𝒚𝒔𝒕𝒐, 𝒆𝒆 𝒙𝒂𝒓𝒊𝒊𝒓𝒕𝒂 𝒍𝒂 𝒙𝒊𝒅𝒉𝒐, 𝒆𝒆 𝒃𝒂𝒍𝒍𝒂𝒏𝒌𝒂 𝒍𝒂 𝒃𝒖𝒓𝒊𝒚𝒐, 𝒆𝒆 𝒘𝒂𝒙 𝒍𝒐𝒐 𝒃𝒂𝒓𝒕𝒐 𝒅𝒊𝒊𝒏 𝒍𝒂'𝒂𝒂𝒏, 𝒆𝒆 𝒎𝒂𝒔𝒂𝒂𝒋𝒊𝒅𝒅𝒂𝒅𝒂 𝒍𝒂 𝒒𝒖𝒓𝒙𝒊𝒚𝒐 𝒒𝒖𝒍𝒖𝒖𝒃𝒕𝒂𝒏𝒂 𝒍𝒂 𝒌𝒉𝒂𝒓𝒓𝒊𝒃𝒐, 𝒆𝒆 𝒓𝒊𝒙𝒊𝒎𝒌𝒂 𝒍𝒂 𝒈𝒐𝒐𝒚𝒐, 𝒆𝒆 𝒂𝒚 𝒃𝒂𝒕𝒂𝒂𝒏 𝒂𝒌𝒉𝒓𝒊𝒚𝒂𝒚𝒂𝒂𝒔𝒉𝒖 𝒃𝒂𝒍𝒔𝒆 𝒂𝒚 𝒚𝒂𝒓𝒂𝒂𝒅𝒂𝒂𝒏 𝒇𝒂𝒉𝒎𝒂𝒚𝒂𝒂𝒔𝒉𝒖, 𝒆𝒆 𝒐𝒐𝒈𝒊𝒔𝒕𝒂 𝒙𝒖𝒅𝒖𝒖𝒅𝒅𝒂 𝒍𝒂 𝒋𝒐𝒐𝒋𝒊𝒚𝒐, 𝒆𝒆 𝒂𝒚 𝒓𝒂𝒈𝒈𝒖 𝒅𝒖𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂 𝒊𝒔𝒖 𝒆𝒆𝒌𝒂𝒚𝒔𝒊𝒊𝒚𝒂𝒂𝒏, 𝒅𝒖𝒎𝒂𝒓𝒌𝒖𝒏𝒂 𝒂𝒚 𝒓𝒂𝒈𝒈𝒂 𝒊𝒔𝒖 𝒆𝒆𝒌𝒂𝒚𝒔𝒊𝒊𝒚𝒂𝒂𝒏, 𝒆𝒆 𝒂𝒚 𝒓𝒂𝒈𝒈𝒖 𝒓𝒂𝒈𝒈𝒂 𝒌𝒖 𝒌𝒂𝒂𝒇𝒕𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒏 𝒅𝒖𝒎𝒂𝒓𝒌𝒖𝒏𝒂 𝒅𝒖𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂 𝒌𝒖 𝒌𝒂𝒂𝒇𝒕𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒏. 𝑴𝒂𝒓𝒌𝒂𝒂𝒔 𝑬𝒆𝒃𝒃𝒆 𝒘𝒖𝒙𝒖𝒖 𝒌𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒃𝒊𝒙𝒊𝒏𝒂𝒚𝒂𝒂 𝑫𝒂𝒋𝒂𝒂𝒍, 𝒔𝒊 𝒖𝒖 𝒖𝒈𝒂 𝒂𝒂𝒓𝒈𝒐𝒐𝒔𝒕𝒐. 𝑴𝒖𝒔𝒍𝒊𝒎𝒊𝒊𝒏𝒕𝒖𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒚 𝒌𝒖 𝒖𝒓𝒖𝒓𝒂𝒚𝒂𝒂𝒏 𝑸𝒖𝒅𝒅𝒖𝒔. ⁹
Xaalka qofafka iyo bulshadu ku sugan yihiin Dajaal kahor, waa sidaa sare ku xusan. Siyaasad ahaanna, saansaanka xilliga Dajaal ka horreeya Nebigu (scw) wuu inoo sii sheegay.
Macaad binu Jabal (rc) waxa laga weriyay inuu yidhi, Nebigu (scw) wuxuu yidhi, ''𝗤𝘂𝗱𝗱𝘂𝘀 𝗯𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗺𝗺𝗶𝗿𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗵𝗮𝗿𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗠𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗮. 𝗞𝗵𝗮𝗿𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗮𝗻𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗰𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗶𝗹𝗯𝗮𝘄𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻 (𝗺𝗮𝗹𝘅𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮). 𝗗𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗶𝗹𝗯𝗮𝘄𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗸𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗴𝗮 𝗳𝘂𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗤𝘂𝘀𝗱𝗮𝗻𝗱𝗶𝗶𝗻𝗶𝘆𝗮 (𝗜𝘀𝘁𝗮𝗮𝗻𝗯𝘂𝘂𝗹). 𝗙𝘂𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗤𝘂𝘀𝗱𝗮𝗻𝗱𝗶𝗶𝗻𝗶𝘆𝗮𝗻𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝘅𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹." 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗶𝗻𝘁𝘂𝘂 𝗯𝗮𝘄𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗴𝗮𝗰𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗶𝗴𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗵𝘂𝗳𝘁𝗮𝘆, 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, ''𝗞𝗮𝗻𝗶 𝘄𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗯, 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝘂 𝗳𝗮𝗱𝗵𝗶𝗱𝗼 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲.'' ¹⁰
Mar kale Rasuulku wuxuu yidhi, ''𝗛𝗶𝗹𝗯𝗮𝘄𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻, 𝗳𝘂𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗤𝘂𝘀𝗱𝗮𝗻𝗱𝗶𝗶𝘆𝗶𝘆𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗼𝗼𝗯𝗶𝘅𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗹𝗶𝘅 𝗯𝗶𝗹𝗼𝗼𝗱 𝗴𝘂𝗱𝗮𝗵𝗼𝗼𝗱.'' ¹¹
𝟑. 𝐅𝐢𝐝𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥
Nebigu wuxuu yidhi, ''𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝗮𝗿𝗿𝗶𝗻𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗱𝗮𝗮𝗵 𝗺𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗻𝗮. 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗶. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝘅𝗮𝗾𝗮 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗯𝗮𝗮𝗾𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗹𝗮 𝗿𝗮𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮. 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗶𝘀𝘂 𝗰𝘂𝗺𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝘆𝗮𝗮 [𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮] 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮, 𝗼𝗼 𝘄𝘂𝘂 𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝗮 𝗮𝗱𝗸𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗞𝘂𝘂𝗳𝗮 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝗺𝘂𝘂𝗷𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝘀𝗶𝗱𝗮𝗮𝘀 𝗱𝗮𝗿𝘁𝗲𝗲𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗿𝗮𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼 𝗷𝗲𝗰𝗹𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮. 𝗜𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯, 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗻𝗲𝗯𝗶 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆. 𝗤𝗼𝗳 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗿𝗮𝗮𝗱 𝗹𝗶𝗵𝗶 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮𝘀 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗮𝗿𝗴𝗮𝗴𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝗼𝗼 𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝘁𝗲𝗴𝗮𝘆𝗮𝗮. 𝗦𝗶𝗱𝗮𝗮𝘀 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗺𝘂𝗱𝗱𝗼, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗺𝗶𝗱𝗶𝗴 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝘁𝗶𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝗱𝗵𝗲𝗴𝘁𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗷𝗮𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗶𝗻𝗱𝗵𝗼𝗼𝗱 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗱𝗼𝗼𝗱𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗾𝗼𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗞𝗔𝗔𝗙𝗜𝗥. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮𝘀 𝗾𝗼𝗳 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝘂𝘀𝗹𝗶𝗻 𝗮𝗵 𝗸𝗮𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆𝗼, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗾𝗼𝗳 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗹𝗯𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝗼 𝘄𝗮𝘅 𝗶𝗶𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗶𝗻𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗮𝗿𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗹𝗲𝗲𝗴𝗶, 𝗶𝘀𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗵𝘂𝗹𝗹𝗲𝗲𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮. 𝗫𝗲𝗿𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗺𝗮𝗷𝘂𝘂𝘀𝗶𝘆𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮, 𝘆𝘂𝗵𝘂𝘂𝗱𝗱𝗮, 𝗸𝗶𝗿𝗶𝘀𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗲𝗲 𝗰𝗮𝗷𝗮𝗺𝘁𝗮 𝗮𝗵." ¹²
Dajaal afartan cisho ayuu dhulka joogayaa, oo iyaga laftoodu aan dabiici ahayn.
Al-Nawaas binu Samcaan (rc), waxa laga weriyay inuu yidhi: 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗻𝗶𝗱𝗵𝗶 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆𝗼𝗼𝘄 (𝘀𝘄) 𝗺𝘂𝗱𝗱𝗼 𝗶𝗻𝘁𝗲𝗲 𝗹𝗲𝗲𝗴 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮𝘆𝗮𝗮 [𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹]? 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗔𝗳𝗮𝗿𝘁𝗮𝗻 𝗰𝗶𝘀𝗵𝗼. 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝘀𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱 𝗹𝗲𝗲𝗴, 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗯𝗶𝗹 𝗹𝗲𝗲𝗴, 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗷𝗶𝗺𝗰𝗲 𝗹𝗲𝗲𝗴 [𝘁𝗼𝗱𝗱𝗼𝗯𝗮𝗮𝗱] 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗵𝗮𝘆 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵." 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗻𝗶𝗱𝗵𝗶, " 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆𝗼𝗼𝘄 (𝘀𝘄) 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝘀 𝘀𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗹𝗲𝗲𝗴, 𝗺𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝗳𝗶𝗹𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗵𝗮𝗹 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻?" 𝗪𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗠𝗮𝘆𝗮, 𝗲𝗲 𝘂 𝗾𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮 𝗾𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝘁𝗲𝗲𝗱𝗮.'' ¹³
Haddaba, haddii ay balaayo kasta oo adduunka ka dhacday u gogolxaadhaysay fidnada Dajaal, oo ay tahay finada ugu weyn ee dunida soo martay/aysa, Dajaal awoodaha la siiyay iyo dabiicada loo sakhirayba waa kuwo fajaciso ah. Taasi waxay keentay inay dad badani beeniyeen jiritaanka Dajaal, laakiin dadkaasi waxay u badan yihiin kuwa raaci doona isaga; waayo, naartaba kuwa beeniyay waa kuwa geli doona iyada. Dhinaca kale, aadamahan diiday qaybka, ee ku doodaya i tus oo i taabsii keliya, Eebbe wuxuu u soo dirayaa imtixaan ka yaabiya maankoodan qooqay, ee indho-ku-garaadlaha ah.
Marka uu Dajaal Ilaahnimada sheegto, waxa ku soo baxaya nin ku odhanaya waxaad tahay beenaalihii uu Nebigu nooga digay. Kadib inta uu miishaar soo qaado ayuu laba qaybood u kala jarayaa ninkii. Dabadeed, dadkii la socday ayuu ku odhanayaa bal eega addoonkayga sida aan u soo nooleeyo. Kadib Ilaahay ayaa soo noolaynaya ninkii. Kadib Dajaal ayaa ku odhanaya, ''Waa ayo Rabbigaa?'' Wuxuu odhanayaa, "Rabigay waa Alle. Adiguna waxaad tahay cadowgii Ilaahay. Waxaad tahay Dajaal." ¹⁴
Dajaal wuxuu wataa 𝙩𝙤𝙜 𝙣𝙖𝙖𝙧 𝙖𝙝 𝙞𝙮𝙤 𝙢𝙞𝙙 𝙟𝙖𝙣𝙣𝙤 𝙖𝙝, sida ay dadku u arkayaan. Ka naarta ahi waa janno, ka jannada uu ku sheegayaana waa naar. Markaa qofkii la kulma wuxuu Nebigu (scw) kula taliyay inuu ku akhriyo tobanka aayadood ee ugu horreeya suuradda al-Kahfi, kadibna uu galo ka uu naarta ku sheegayo, waayo sidii dabkii nebi Ibraahiin ayay u noqonaysaa qabow iyo badqab.
Fidnadiisa waxa ka mid ah inuu qofka reer miyiga ah ku odhanayo, 𝒌𝒂 𝒘𝒂𝒓𝒓𝒂𝒏 𝒉𝒂𝒅𝒅𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒌𝒖𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒏𝒐𝒐𝒍𝒆𝒆𝒚𝒐 𝒉𝒐𝒐𝒚𝒂𝒅𝒂𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝒂𝒂𝒃𝒃𝒂𝒉𝒂𝒂, 𝒎𝒂 𝒒𝒊𝒓𝒂𝒚𝒔𝒂𝒂 𝒊𝒏𝒂𝒂𝒏 𝒓𝒂𝒃𝒃𝒊𝒈𝒂𝒂 𝒂𝒉𝒂𝒚? kadib wuxuu odhanayaa haa. Kadib laba shaydaan ayaa isku soo shabbahaya qaabkii hooyadii iyo aabbihii, waxaanay ku odhanayaan: Wiilkayagiiyoow raac, waa Rabbigaaye.
Fidnadiisa waxa ka mid ah 𝒊𝒏𝒖𝒖 𝒄𝒊𝒓𝒌𝒂 𝒇𝒂𝒓𝒂𝒚𝒐 𝒊𝒏𝒖𝒖 𝒉𝒐𝒐𝒓𝒐, 𝒅𝒉𝒖𝒍𝒌𝒂 𝒖𝒖 𝒇𝒂𝒓𝒂𝒚𝒐 𝒊𝒏𝒖𝒖 𝒄𝒂𝒈𝒂𝒂𝒓𝒐, kadiban uu hoorayo, oo uu cagaarayo, sida ay dadka indhahoodu arkayaan.
Fidnadiisa waxa ka mid ah inuu degmo soo marayo, oo ay beeninayaan, kadibna dhammaan xoolohoodii ay dhimanayaan. Halka degmadii rumaysaa ay ka barwaaqoobayso, xoolahadooduna ay ka naaxnaaxayaan, sida ay indhaha dadku arkayaan.
Fidnadiisa waxa ka mid ah inuu cudurrada dawaynayo, dadka raacana uu cunto u qaybinayo, halka kuwa beeniya uu quudka ka jarayo.
𝟒. 𝐘𝐚𝐚 𝐑𝐚𝐚𝐜𝐚𝐲𝐚 𝐃𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥
Dadka ugu badan ee Dajaal raacayaa waa Yuhuudda, gaalada, shiicada, munaafiqiinta, ribooleyda, wicillada, makasta iyo reer miyiga. Waxa raacaya cid kasta oo aanu daacad ahayn iimaankoodu.
Nebigu (scw) wuxuu yidhi, "𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗼 𝗮𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗹 𝗮𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗳𝗶𝗹𝗮𝗻, 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗼 𝗮𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗴𝗮𝗱𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆𝗻𝗮, 𝗥𝗮𝗯𝗯𝗶𝗴𝗶𝗶𝗻𝗻𝘂 𝗺𝗮 𝗮𝗵𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗰𝗮𝘄𝗮𝗿𝗮𝗻. [𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹] 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗬𝘂𝗵𝘂𝘂𝗱𝗱𝗮 𝗔𝘀𝗳𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 (𝗜𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻)" ¹⁵
Mar kale Nebigu (scw) wuxuu yidhi, "𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗬𝘂𝗵𝘂𝘂𝗱𝗱𝗮 𝗔𝘀𝗳𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗼𝗱𝗱𝗼𝗯𝗮𝗮𝘁𝗮𝗻 𝗸𝘂𝗻 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗮𝗹𝗮𝗹 𝗵𝘂𝘄𝗮𝗻.'' ¹⁶
Ibnu Cumar waxa laga weriyay inuu yidhi, Nebigu (scw) wuxuu yidhi, "𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 [𝘁𝗼𝗴𝗴𝗮] 𝗠𝗮𝗿𝗿𝗶 𝗤𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱 [𝗲𝗲 𝗠𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗮], 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗮𝘄𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮. 𝗡𝗶𝗻𝗸𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘅𝗮𝗮𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝗵𝗼𝗼𝘆𝗮𝗱𝗶𝗶, 𝗶𝗻𝗮𝗻𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝗲𝗱𝗱𝗮𝗱𝗶𝗶, 𝘅𝗮𝗱𝗵𝗶𝗴 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗮𝘆𝗮𝗮, 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝘂𝗴𝗮 𝗯𝗮𝗾𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹 𝘂 𝗯𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗺𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗹𝗶𝗱𝗮𝘆𝗮, 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝘆 𝗱𝗶𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻, 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮𝗮𝗴𝗲𝗲𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀𝗮𝗯𝗮. 𝗛𝗲𝗲𝗿 𝘂𝘂 𝗬𝘂𝗵𝘂𝘂𝗱𝗶𝗴𝘂 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝘂𝘂𝗻𝘁𝗼 𝗴𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅𝗮 𝗮𝗺𝗮 𝗴𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗼𝗱𝗵𝗮𝘆𝗮, 𝗺𝘂𝘀𝗹𝗶𝗻𝗼𝗼𝘄 𝗬𝘂𝗵𝘂𝘂𝗱𝗶 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗼𝘀 𝗷𝗶𝗿𝗮 𝗲𝗲 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗱𝗶𝗹.'' ¹⁷
𝟓. 𝐐𝐨𝐟𝐚𝐟 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐭𝐢𝐥𝐦𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥
Dad badan ayaa xilliyo kala duwan lagu sheegay inay ahaayeen Dajaal, balse saddex nin ayaa ugu caansan. Waa Qaabiil, Saamiri iyo ibnu Sayaad.
Gaaladu marka ay naarta galaan, waxay Ilaahay ka codsanayaan inuu tuso labadii lumiyay, ee jinka iyo insiga kala ahaa.
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا رَبَّنَا أَرِنَا اللَّذَيْنِ أَضَلَّانَا مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ نَجْعَلْهُمَا تَحْتَ أَقْدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ الْأَسْفَلِينَ (29)
𝟮𝟵. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮𝗵𝗱𝗲𝗲𝗻 𝗸𝘂𝘄𝗶𝗶 𝗴𝗮𝗮𝗹𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆, 𝗥𝗮𝗯𝗯𝗶𝗴𝗮𝘆𝗼𝗼𝘄 𝗻𝗮 𝘁𝘂𝘀 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗻𝗮 𝗹𝘂𝗺𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝗷𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗶𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵𝗮𝗮. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗴𝗮𝗵𝗮𝘆𝗮𝗴𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀𝘁𝗼𝗼𝗱𝗮, 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗻𝗼𝗾𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘄𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗼𝘀𝗲𝗲𝘆𝗮 [𝗻𝗮𝗮𝗿𝘁𝗮]. ¹⁸
Dhammaan culimada tafsiirku waxay isku raacsan yihiin inuu ka jinka ahi yahay 𝑰𝒃𝒍𝒊𝒊𝒔, ka insiga ahna inta badan waxa lagu tilmaamaa 𝑸𝒂𝒂𝒃𝒊𝒊𝒍. Waayo waa qofkii ugu horreeyay ee qof aadame ah dilay.
Culimo kale, ayaa beryahan badka keenay dood kale oo ah inuu ka insiga ahi yahay Dajaal. Waayo waa fidnada ugu weyn ee dunida soo martay/aysa ee nebi kastaana uu sharkiisa ummaddiisa uga digay.
Haddaba, labada doodood waxa lagu midayn karaa inuu Qaabiil laftiisu yahay Dajaal. Ibliis markii uu Eebbe caasiyay, haddii uu Eebbe ka codsaday inuu waariyo ilaa qiyaamaha, miyaanay taasina ka suuroobin mataankiisa sharka, ee Qaabiil in isna la waariyo. Waa suurtagal, laakiin waarista Qaabiil waxay noqon kartaa mid ruuxeed, oo xilliyo kala duwan jidhoobaysa.
Qofka labaad waa 𝑺𝒂𝒂𝒎𝒊𝒓𝒊. Saamiri, wuxuu la socday reer banu Israa'iil, markii uu Ilaahay ka badbaadiyay Fircoon. Haddaba ninkani wuxuu lahaa awoodo fajiciso ah. Wuxuu arkayay waxyaabo aanay dadka kale arkayn.
Wuxuu xantoobo ciid ah ka qaatay raadka faraskii malag Jibriil (cs). Kadib markii ay badda ka gudbeen ayuu u sameeyay reer bani Israa'iil dibi dahab, oo dhawaaq samaynaya, sida Quraanka ku xusan. Sidaas ayuu ku fidneeyay oo ay dibigii ku caabudeen.
Waxa yaab leh, markii uu nebi Muuse (cs) soo noqday, wuxuu gilgilay cadho, oo uu canaantay walaalkii nebi Haaruun (cs). Balse Saamiri, oo ah ninkii ibtilada dhigay, si qabow ayuu ula hadlay, waxaanu ku yidhi, maalin aanad dhaafayn ayaad leedahay, ee orod iska tag.
قَالَ فَاذْهَبْ فَإِنَّ لَكَ فِي الْحَيَاةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَ ۖ وَإِنَّ لَكَ مَوْعِدًا لَّن تُخْلَفَهُ ۖ وَانظُرْ إِلَىٰ إِلَٰهِكَ الَّذِي ظَلْتَ عَلَيْهِ عَاكِفًا ۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُ فِي الْيَمِّ نَسْفًا (97)
𝟵𝟳. 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝘁𝗮𝗴, 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗹𝗲𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮𝗵𝗱𝗼 𝗹𝗮𝘆𝗺𝗮 𝘁𝗮𝗮𝗯𝘁𝗼. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘀𝗲 𝗸𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻 𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝗮𝘆𝗻. 𝗕𝗮𝗹 𝗲𝗲𝗴 𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝗮𝗴𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝗱𝘂𝗹 𝘆𝘂𝘂𝗿𝘂𝗿𝘁𝗮𝘆, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗴𝘂𝗯𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 [𝗯𝘂𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮] 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗿𝗮𝗮𝗰𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮.¹⁹
Ninka saddexaad ee halxidhaalaha ahina waa 𝑰𝒃𝒏𝒖 𝑺𝒂𝒚𝒂𝒂𝒅. Waa cunug noolaa xilligii Nebiga (scw).
Cabdillaahi ibnu Mascuud (rc) waxa laga weriyay inuu yidhi, "𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗼𝗻𝗻𝗮𝘆 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿𝗻𝗮𝘆 𝗰𝗮𝗿𝗿𝘂𝘂𝗿 𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝗼 𝗜𝗯𝗻𝘂 𝗦𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗰𝗮𝗿𝗿𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗶 𝘄𝗮𝘆 𝘆𝗮𝗮𝗰𝗲𝗲𝗻, 𝗶𝗯𝗻𝘂 𝗦𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱𝗻𝗮 𝘄𝘂𝘂 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗳𝗮𝗱𝗵𝗶𝗶𝘀𝘁𝗮𝘆. 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘆𝗮𝗮𝗯𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗡𝗲𝗯𝗶𝗴𝘂 𝗱𝗵𝗶𝗯𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗳𝗮𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝗮𝘀, 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯𝗻𝗮 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗮 (𝘀𝗰𝘄) 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗪𝗮𝗮𝗿 𝗵𝗼𝗼𝗴𝗲, 𝗺𝗮 𝗾𝗶𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆?" 𝗪𝘂𝘅𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗠𝗮𝘆𝗮, 𝗲𝗲 𝗮𝗱𝗶𝗴𝘂 𝗺𝗮 𝗾𝗶𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆." 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗯𝗶𝗻𝘂 𝗞𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗯 (𝗿𝗰) 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗜𝗶 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆𝗼𝗼𝘄 𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗶𝗹𝗲𝗲" 𝗸𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗶, "𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝗺𝗼𝗼𝗱𝗮𝘆𝘀𝗼 (𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹) 𝗺𝗮 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗶𝗱 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼." " ²⁰
Imaam al-Nawawi wuxuu leeyahay, Ibnu Sayaad waa mushkilad, arrinkiisuna waa mid muhmal leh, laakiin shaki ma laha inuu yahay Dajaal dajaallada ka mid ah. Cumar binu Khadaab iyo asxaab kalena waxay ku dhaaran jireen inuu ibnu Sayaad yahay Dajaal.
Nebigu wuxu yidhi, "𝗦𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗾𝗶𝘆𝗮𝗮𝗺𝘂𝗵𝘂 𝗺𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝗮𝘆 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹𝗹𝗼 𝗯𝗲𝗲𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝗹 𝗮𝗵, 𝗼𝗼 𝟯𝟬 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗼𝘄𝗱𝗵𝗼𝘄. 𝗗𝗵𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗹𝗼 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆." ²¹
𝟔. 𝐒𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐊𝐚𝐡𝐟𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥
Abu Dardaa waxa laga weriyay, Nebigu (scw) in uu yidhi, "𝗤𝗼𝗳𝗸𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯𝗮 𝘁𝗼𝗯𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗮𝗮𝘆𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱 𝗲𝗲 𝘂𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮 𝘀𝘂𝘂𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗮𝗹-𝗞𝗮𝗵𝗳 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗶𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹." Werin kalena waxa ay sheegaysaa tobanka ugu danbeeya. ²²
Weli ma isweydiisay xidhiidhka ka dhexeeya suuradda Kahfi iyo fidnada Dajaal Cawar. Suuradda Kahfi waxa ku soo arooray afar qiso, oo mid kastaa ku fadhido fidno, waxaanay kala yihiin: fidnada diinta, fidnada maalka, fidnada aqoonta iyo fidnada hoggaanka.
Sheekada Saaxiibbada Godku waa barbaar la firdhaday diintoodu sidii ay ugu badbaadi lahayd, markii ay Eebbe rumeeyeen, ee ay talkood isa seegeen. Taas ayaa keentay, in ay galaan hog.
Sheekada ninka hodanka ah, ee labada beerood leh, ee gaaloobaya iyo doodda saaxiibkiisa muslinka ahi, waxay ku qotontaa fidnada maalka.
Nebi Muuse waxa uu u safrayaa sidii uu aqoon uga soo korodhsan lahaa Khadar. Halkaana waxa ku dhexmaraysa sheeko cajiib ah, oo ogaalka Muuse jirabtay.
Dul Qarnayn, waxa uu ka mid yahay afarta nin ee dunida oo dhan mulkiyay, labada muslinka ah. Ka kale waa Saleebaan. Sheekadiisuna waa fidnada hoggaanka.
𝟕. 𝐃𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚
Haddii uu Dajaal qof ahaan qarsoon yahay, fidnadiisu waa mid goob kasta iyo goor kasta jirta. Sidaa darteed ayuu Nebigu u jideeyay, salaad kasta ataxiyaadka danbe, inuu qofka muslinka ahi Ilaahay ka magangalo fidnada Dajaal.
Nebigu (scw) wuxuu yidhi, ''𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗺𝗶𝗱𝗸𝗶𝗶𝗻 𝗮𝘁𝗶𝘅𝗶𝘆𝗮𝗮𝗱𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗼, 𝗮𝗳𝗮𝗿 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗸𝗮 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗻𝗴𝗮𝗹𝗼, 𝗼𝗼 𝗵𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮𝗵𝗱𝗼: 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗼𝗼𝘄 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗱𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗷𝗮𝗵𝗮𝗻𝗻𝗮𝗺𝗮, 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗱𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗾𝗮𝗯𝗿𝗶𝗴𝗮, 𝗶𝘆𝗼 𝗳𝗶𝗱𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮, 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗳𝗶𝗱𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝘀𝗶𝗶𝘅𝗮 𝗗𝗮𝗷𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗮𝗵.'' ²³
Sida oo kale, waxa sunne ah inuu qofku qaybo tobanka aayadood ee ugu horreeya suurada al-Kahfi, iyo tobanka ugu danbeeya. Qofkii karana, waxa habboon inuu dego labada magaalo ee 𝑴𝒂𝒌𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒅𝒊𝒊𝒏𝒂, waayo labadaas magaalo waa ka mabnuuc inuu Dajaal soo galo.
Sida aynu sare ku xusnay, xilliga Dajaal waa xilli abaaro ba'ani jiraan, dhammaan midhaha iyo quudka dhulkana waxa kootaysana Dajaal. Haddaba, waxa jirta cunto la'aan baahsan. Sidaa darteed, qofka muslinka ahi wuxuu ku badbaadi karaa 𝒒𝒖𝒖𝒅𝒌𝒂 𝑴𝒂𝒍𝒂𝒂'𝒊𝒈𝒕𝒂 inuu joogteeyo, kaas oo aa digriga iyo xuska Eebbe. ²⁴
Ugu danbayn waxaad Dajaal kaga badbaadaysaa marka aad maqasho inuu soo baxay, inaad ka firdhato, oo aad buuraha iyo baadiyaha fogfog ku dhuumato.
𝟖. 𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝
Waxa laga yaabaa inaad isweydiiso sidee ayay dadku qof u caabudayaan, ama ay u moodayaan Ilaahay? Jawaab fudud, sooyaalka aadamaha xilli kasta dadku waxay caabudayeen waxyaabo qof ka liita. Waxay caabudayeen cadceedda, dayaxa, meerayaasha. Waxay caabudayeen sanamyada, xayawaanka iyo ilaahyo khayaali ah.
Reer bani Israa'iil markii uu Ilaahay ka soo badbaadiyay Fircoon, iyaga oo ay la socdaan laba nebi, ayay arkeen qolo sanam caabudaysa, kadibna waxay yidhaahdeen annagana sanam noo samee. Mar kale Saamiri ayay iska raaceen, oo u u sameeyay dibi ay caabudaan.
Markasta aadamuhu waa mid laciif ah, haddii uu ka furto xadhiga Ilaahay. Haddaba, Eebbe wuxuu Dajaal soo bixinayaa casri ay aqlabiyadda dadku u bateen indho-ku-garaadlayaal, markaas ayuu tusaa mucjisooyin ay la amakaagaan.
Dajaal kamadanbaysta waxa Falasdiin ku dilaya, nebi Ciise (cs). Sidaas ayaanay ku soo afjarmaysaa fidnadii ugu weynayd, ee dunida soo martaa.
Haddaba, Rasuulku (scw) wuxuu leeyahay, waxaan idiinku sheegayaa fidnada Dajaal, si aad maanka ugu haysaan, oo aad u fahantaan. Sidaa darteed, qof kastaa ha gaadhsiiyo qofka kale.²⁵
–Cali Ileeye, 2022.